Saturday, July 27, 2024

Qurba-joogta oo kaalin ka qaadaneysa maalgashiga dowlad Deegaanka Soomaalida

Jig-jiga (Dawan)- Si kor luugu qaado kaalinta ay Qurba-joogto ku leedahay maalgashiga dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa waxaa billaawaday shirweynaha wadatashiga xukuumada iyo Qurbo-joogta.

Shirweynahaan waxaa isku soo dubariday Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaana goob joog ka ahaa qaar ka mid ah masuu’liyiinta xukuumada, oo uu ugu horeeyo ku sii simaha Madaxwaynaha dowlad Deegaanka Soomaalida, ahna Hoggaanka Nabad-gelyada , Mudane Dayib Axmed Nuur, Wasiir kuxigeenka Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha, Marwo Saynab Xaaji Aadan, Qurbo-joogta deegaanka iyo qaar ka mid ah Bangiyada.

Shirkan oo sannadkiiba mar la qabto, ayaa hal ku dhig looga dhigay “Qurba-joogtu waa laf-dhabarta horumarka deegaanka” iyadoo madasha looga dooday sidii ay Qurba- joogtu kaalinta kaga aadan uga qaadan lahayd fursadaha maalgashiga ee deegaanka ka bannaan iyo horumarada kala duwan ee ka socda deegaanka, iyada oo xoogga la saarayo qaybaha muhiimka ah sida waxbarashada, shaqo abuurka, beeraha, xoolaha, warshadaha iyo ka faa’iidaysiga soo saaridda khayraadka dabiiciga.

Maamulka dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa mudnaan gaar ah siinaya ganacsatada iyo Qurba-joogta dooneysa in ay maalgelin ka sameeyaan deegaanka si horumar looga sameeyo dhinacayda ganacsiga sidoo kalena ay dadka deegaanka ugu noqoto shaqo abuur.

Is-beddelkii ka dhacay dowlad Deegaanka Soomaalida iyo dhammaan Itoobiya ayaa abuuray fursado iyo furfurnaan ganacsi taas oo keentay in ay dib usoo laabtaan Qurba-joog badan oo daneeynaya in sameeyaan maalgashi iyo wax u qabashada dadkooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here