Saturday, July 27, 2024

Xamsa oo khudbad ka jeediyay kulanka Hiigsiga Horumarka Waara ee Q.M

New York (Dawan)- Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo ka qaybgalaya kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka socda magaalada New York, ayaa khudbad uu ka jeediyey kulan lagu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara wuxuu kaga warramay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalku ku tillaabsanayo.

Ra’isul Wasaare Xamsa ayaa kulanka warbixin ka siiyey dadaallada lagu hiigsanayo Yoolasha Horumarka Waara ee Soomaaliya ka socda iyo sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka lagu soo dabbaalo amni, xasillooni iyo baraare loo aayo, inkasta oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saboolnimo, colaad iyo daruufo kale oo ka dhashay isbeddelka cimilada oo ku gudban in sidii la rabay looga libinkeeno yoolasha qaarkood.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Federaallka Soomaaliya ay Qorshaha Horumarinta Qaranka ku jaangoysey Yoolasha Horumarka Waara ee Qaramada Midoobay, wuxuuna si gaar ah u xusay in laga soo billaabo 2017-kii lagu guuleystey in hoos loo dhigo heerka saboolnimada 15%, sidoo kalena la yareeyey umul-raacashada haweenka 43%, halka heerka wax akhristaka haweenka da’doodu u dhexeyso 15-24 sare loo qaaday 12.4%.

Ra’isul Wasaare Xamsa mar uu ka hadlayey tillaabooyin u qorsheysan dowladda, si loo gaaro Yoolasha Horumarka Waara, wuxuu daaha ka rogey qorsheyaal lagu kobcinayo karaanka dadweynaha, sida maalgashi lagu sameeyo tayada waxbarashada, baahinta fursadaha waxbarashada dalka, hoos u dhigista wax qoris iyo akhiris la’aanta iyo abuurista dugsiyo farsamada gacanta ah.

Ra’isul Wasaare Xamsa wuxuu intaas ku daray in dowladdu mudnaan gaar ah siineyso taabbagelinta hannaan lagu kobcinayo waxsoosaarka beeraha dalka, iyadoo la adeegsanayo farsamooyin casri ah oo wax ka taraya beeqaaminta biyaha iyo waraabka, si looga gaashaanto saameynta daran ee ka dhalata isbeddelka cimilada oo Soomaaliya u nugushahay. Si taas loo suurtogeliyana, Rai’sul Wasaaruhu wuxuu tibaaxay in Soomaaliya ay ay firfircoon qaadaneyso dadaallada caalamiga ah ee lagu hiigsanayo Yoolasha Horumarka Waara.

Dhanka horumarinta xaquuqda aadanahana, Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre wuxuu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu dardargelineyso ciribtirka cunfiga iyo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed, isagoo ballanqaaday in la xaqiijinayo sidii haweenku uga dhex muuqan lahaayeen hoggaanka dalka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha oo billaabay kulamada uu la yeelanayo mas’uuliyiinta Maraykanka iyo madaxda kasoo qeyb gashay shirka ayaa la kulmay Ilhaan Cumar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Xildhibaan Ilhaan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Waxaa sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii ay dowladda Maraykanka u sii ballaarin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo sannadkaan halku dhig looga dhigay ” Dib u dhiska kalsoonida iyo xoojinta midnimada caalamka” ayaa looga hadli doona dhwor qoodb oo ay ugu muhiimsanyihiin Horumarka waara, Abuurista fursado looga hortago dhibaatooyinka caalamka, wax ka qabshada isbeddelka cimilada iyo cudurada faafa.

Madaxda Caalamka ayaa ka jeedin doona Kalfadhiga khudbadahooda iyaga oo laga sugayo in ay soo bandhigaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ku hor gudban bulshada Caalamka.

Sidii caadada ahayd tan iyo 1955-kii, Kalfadhigii tobnaad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Brazil ayaa noqonaysa dalka ugu horreeya ee khudbad ka jeediya Golaha, waxaa ku xigi doona Maraykanka oo ah dalka martida loo yahay, kadibna waxa ku xiga dalalka kale oo khudbadahooda soo jeedin doona maalmaha uu shirku socdo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here