Monday, May 20, 2024

Cayaaraha wax uma dhibo goboleysi laakiin qabyaalad meel ma wada galaan

Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray, Wasiirki hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar

Cayaarta kama dambeysta ah waxay saacado yar ka dib dhex mari doontaa Galmudug iyo Hirshabeelle. Aan in yar ka taabto taariikhda Cayaaraha ee labada.

Hirshabeelle, Hiiraan iigu kaadi ee aan ku horreeyo Shabeellaha Dhexe. Burburkii Dowladda ka hor, Soomaaliya oo dhan oo ay ku jirto Somaliland, Jowhar iyo Balcad waxay ahaayeen labada magaalo ee keliya ee lahaa kooxo cayaaraha Heerka Koowaad ah oo berigaa loo yiqiin Serie A.

Warshadda SNAI ee Jowhar oo soo saari jirtay Sonkorta, Barafuunka, Aalkolada Istibitaalladu ay adeegsadaan iyo khamrada noocya ka mid ah waxay lahayd Kooxda Kubbadda Cagta ee SNAI oo markii damie isu rogtay Kooxda Sancada.

Warshadda Balcad oo soo saari jirtay dhar ay ka mid yihiin kan Dugsiyada iyo midka Ciidanku xirtaan waxay lahayd kooxda Kubbadda Koleyga ee Somaltex.

Labada Kooxoodba waxay ka tirsanaayeen naadiyada heerka Koowaad ee Serie A.

Hiiraan haddii aan u soo laabto waxay caan ku ahayd cayaartooy ka tirsan Naadiyada heerka Koowaad iyo xataa xulka Qaranka oo markoodii horę laga qaatay ka dib markii ay u soo safteen Gobolka Hiiraan.

Galmudug, waa Mudug iyo Galguduud. Labaduba sida Hiiraan caan ayay ku ahaayeen cayaartooy ka soo jeeda oo u safta Naadiyada heerka Koowaad.

Waxaa Galguduud u dheeraa in ay caan ku ahayd Kubbadda Laliska oo iyada iyo Togdheer ay ahaayeen labada Gobol ee aan inta badan midkood laga waayin cayaarta kama dambeysta ah ee cayaaraha Gobollada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here