Saturday, July 27, 2024

Tahriibayaal Soomaali ah oo xaalad halis ah  ku qabsatay Giriigga

Athens (Dawan)- Sida lagu faafiyay barta Facebook ee For Refugees tahriibayaal Soomaali u badan  ayaa ku dhibaateysan Jaziiradda Lesvos ee dalka Giriigga.

Tirada tahriibayalka ayaa lagu sheegay 19 oo ay ku jiraan afar carruur ah, waxaana laga deyrinaya xaaladooda caafimaad.

 Qoraal lasoo dhigay barta For Refugees ayaa loogu baaqay maamulka Lesvos iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh qaxootiga inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan si loo badbaadiyo dadkaan.

Dowladda Turkiga ayaa dhowr jeer ku eedeysay Giriigga in ay tahriibaaalka ula dhaqanto si ka baxsan bini aadnimada, iyadoo si qasab ah ugu soo celisa xeebaha Turkiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here