Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh: waan diiday aan meel dhigno, kanaa ka fiican aan la nimaano

Garoowe (Dawan)- Madaxweynaha Soonaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyay caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Maamul Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta ka dhacay magaalada Garoowe.

Madaxweynuhu waxa uu khdbaddiisa xooga ku saaray hannaanka dhameystirka Dastuurka kumeel gaar ah ee dalka kaas oo qaatay waqti ka badan inti loogu tala galay in lagu soo gabagabeeyo, isaga oo sheegay in la gaaray xilligii laga bixi lahaa jahawareerka Dastuurka ee ku hor gudban dhameystirka Dowlad dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa yiri, ” Dastuurka waqti uma dhinna .. Dastuurku waa bislaaday dood nooguma dhinna”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in uusan jirin Dastuur sax ah 100% sidaas darteedna loo baahanyahay in hore looga socdo doodaha ah weli wax ayaa dhiman iyo qof hebel ayaa maqan, isaga oo caddeeyay in xilligu ku habboon wax na laga beddeli doono waxna lagu dari doono inta ay dad weynaha Soomaaliyeed uga codeeynayaan.

” Ilaa inta adka Soomaaliyeed uga dhaqaayaan in ay Dastuurkaas u codeeyaan, inta ka horeysa oo dhan wax ku dar iyo wax ka beddel intaba wa leeayahay”. ayuu raaciyay Madaxweyne Xasan

Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in la tix geli doono ra’yi kasta oo dhiman loona sii banneeyay booskaas.

Madaxweynuhu waxa uu aad u amaanay howshii auu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya shalay qabtay oo ahayd meel-marinta “Habraaca Ansixinta Wax ka beddelka Dastuurka”  isaga oo hoosta ka xariiqay in waxa la ansxiyay aysan ahayn Dastuurka ee ay tahay habraaca wax ka beddelka Dastuurka oo kaliya.

Dhanka kale, waxa u su’aal xujo ah hordhigay mucaaradka ku doodaya looma dhamo habka loo marayo dhamaystirka Dastuurka, isaga oo yiri, ” yaa waaye qofka ii sheegaya maalin aan la is khilaafeyn”

Madaxweynuhu waxa uu qiray in ay adagtahay in la mideeyo fikradaha laga qabo Dastuurka, waxa uuna ugu baaqay dadka maskaxda iyo caqliga u saaxibka ah, ee rajada ka leh in ay dalka ka noqdaan hoggaan iyo dhammaan shacabka Soomaaliyed in ay keenaan fikrad ama xal ka duwan kuwa ay Dowladdu soo bandhigtay, isaga oo yiri, ” walaalayaaloow, waxaan waa diidnay aan meel iska dhigno, kan ayaa ka fiican aan la imaano, wax yaan iska diidine, xalkana aan ku darno”

Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in la joogi xilligii ugu habooneed ee la dhamaystiri lahaa Dastuurka inkasta oo ay Dowladdu ku jirto dagaalka Shabaab, sidoo kalena ay soo wajahday dhibaato siyaasadeed oo uga timid dhanka Itoobiya kadib heshiiska Badda ee dhax maray Abiy Axmed iyo Muuse Biix Cabdi kowdii bishaan January.

Xasan Sheekh ayaa tusaale usoo qaatay hadalkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke ee ahaa ” gacan waan ku codeyneynaa gacanna dalka ayaan ku difaaceynaa” isaga oo tilmaamay in ay Dowladdu hadda awoodo in ay dalka difaacdo sidoo kalena dhamaystirto Dastuurka qabyada ah muddada dheer.

Caleema saarka Siciid Cabduullaahi Deni, waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday Federaalka, Maamul Goboleedyada, Jabuuti, Kenya, Diblomaasiyiinta dalka ku sugan iyo siyaasiyiinta ugu caansan dalka.

Doorashadii 8-dii January ee dib loogu doortay Madaxweyne Deni ayaa Puntland ka saartay xaalad hubanti la’aan ah oo sannadkii ugu dambeeyay ay ku jirtay, dibna ugu soo celisay xasilloonidii uu maamulkaas caanka ku ahaa.

Maamul Goboleedka Puntland waxaa dhidibada loo taagay 1998-kii, taas oo ka dhigtay maamulkii ugu horreeyay ee federaal ah oo dalka laga hirgeliyo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here