Saturday, July 27, 2024

Real Madrid oo ku guuleysatay koobka Super Cup-ka Spain

Riyaad (Dawan)- Kooxda Real Madrid ayaa markii 13-aad ku guuleysatay koobka Super Cup-ka Spain kaddib markii ay 4-1 kaga badisay kooxda uu xifaaltanka kubadeed kala dhaxeeyo ee Barcelona.

Ciyaarta oo lagu qabtay Caasimadda Sacuudiga ee Riyaad, waxaa bandhig cajiib ah ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior, kaddib markii uu daqiiqadihii 7-aad iyo 10-aad dhaliyay goolkii 1-aad iyo 2-aad ee kooxda Real Madrid, halka goolka saddexaad oo ahaa rigoore uu dhaliyay daqiiqadii 39-aad ee ciyaarta.
Waxaa isaguna ka maseeray ciyaariyahanka ay isku waddanka yihiin ee Rodrigo isaga oo goolka afaraad u dhaliyay Reak Madrid daqiiqaddii 64-aad.

Dhinaca kale weerar yahanka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa daqiiqadii 33-aad dhaliyay goolka kaliya ee Barcelona, iyada uu Captain Ronaldo Araujo qaatay kaarka casaanka daqiiqadii 71-aad, taas oo dhabar jab kusoo noqotay kooxdiisa.

Tani waa guushii labaad oo ay Real Madrid ka gaarto Barcelona tartamada kala duwan xilli ciyaareedkan, ka dib markii ay hore 2-1 kaga badiyeen kulankii horyaalka Spain xilli ciyaareedkan, bishii October ee la soo dhaafay.

Real Madrid ayaa sidoo kale hoos u dhigtay farqiga u dhexeeya Barcelona, ​​taasoo heysata rikoorka ugu badan ku guuleysiga koobka Super Cup-ka Spain oo ah 14 jeer.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here