Friday, July 26, 2024

Soomaaliya oo diiwaan gelineysa dadka u baahan taageero

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay diwaan gelinaysa xogta dadka ay dhibaatooyinka sameeyeen, kuwaas oo u baahan gacan qabad iyo tageero dhaqaale .

Barnaamijkaan oo loogu waqlalay “Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Diiwaanka Midaysan” ayaa hiigsanaya in hoos loo dhigo saboolnimada iyo cunto yarida, sidoo kalena la diyaariyo bulsho awood u leh in ay u adkeysato masiibooyinka dabiiciga sida Abaaraha, Fatahaada soo noq-noqday iyo dhibaatada Ayaxa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo daah-furay Nidaamkaan cusub ayaa sheegay in uu udub dhexaad u yahay siyaasadda dowladda Federaalka, isla markaana diiradda lagu saarayo horumarinta loo dhanyahay, si loo xoojiyo sugidda amniga, kor u qaadista kobaca dhaqaalaha, iyo horumarinta iskaashiga bulshada dhaxdeeda ah.

Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Adeegga Bulshada ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda nidaamkaan cusub uu u leeyahay howlaha dowladda, gaar ahaan aafooyinka soo wajaha masiibooyinka.

“Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Diiwaanka Midaysan” waxa uu kaydin doonaa xogta dhammaan dadka saboolka ah , gaar ahaan kuwa ay saameeyeen dhibaatooyinka sida Daadadka, Dabaylaha, Abaaraha iyo Ayaxa,, wuxuuna kaalin ka qaadan doona in dowladdu si deg-deg ah uga jawaabato” ayuu yiri, Dr. Maxamed Ibraahim Cilmi.

Soomaaliya ayaa dhibaato aad u badan ku qabty helidda xogta bulshada taagerida u baahan, balse waxay u muuqataa in nidaamkaan looga baaqsan doono raadinta xogta, wuxuuna meesha ka saaraya macaamilkii tooska aha ee dhex mari jiray Hay’adaha Gargaarka iyo bulshada u baahan taageeradooda.

Haddii uu Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Diiwaanka Midaysan hirgalo, waxaa uu qeyb ka qaadan doona dadaalladda iyo xusul duubka ay dowladdu ugu jirto ilaalinta xogta muwaadiniinta iyo ka warqabadkooda.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here