Saturday, July 27, 2024

Ruto oo niyadda u qaboojiyay shirkadaha deynta ku leh dowladda

Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa sheegay in xukuumaddiisu miisaaniyad gaar ah u qoondeyneyso bixinta deymaha lagu leeyahay hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Hadalkaan ayuu ka sheegay munaasabad lagu soo bandhigayay guddiga qaabilsan xaqiijinta deymaha oo madax looga dhigay Hanti dhowrihii hore ee Kenya, Edward Ouko.

William Ruto, ayaa caddeeyay in la joogo xilligii la bixin lahaa deymaha lagu leeyahay hay’adaha kala duwan ee dowladda si kor loogu qaado kalsoonida shirkadaha gaarka loo leeyahay ee adeegyada siiya dowladda.

Bixinta deymaha ayaa ka qeyb qaadanaysa dardargelinta kobcinta ganacsiga iyo dib u qaabeynta nidaamka maaliyadda ee lagu maareynayo deymaha gudaha ee lagu leeyahay hay’adaha dowladda, sida uu tilmaamay Ruto.

Shirkadaha adeegyada bixiya ayaa ku leh deyn ka badan 600 oo bilyan oo shilin hay’adaha dowladda Kenya, waxeyna dhowr jeer sameeyeen cabasho la xiriirta arrintaan si ay helaan lacagaha ka maqan.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here