Saturday, July 13, 2024

Soomaaliya oo guul darro culus kala kulantay Zanzibar 

Kampala (Dawan)- Xulka Soomaaliya ayaa guul darro culus kala kulmay Zanzibar  kadib kulanki labaad oo ay kuwada kulmeen maanta labada xul ee tartanka Cecafa U-15 oo sannadkaan lagu qabanayo dalka Uganda.

Soomaaliya ayaa looga badiyay 4 gool iyo waxba oo 3 ka mid ah goolsha laga dhaliyay qeybta labaad ee ciyaarta.

Xulka Soomaaliya ee U-15 ayaa la kulmaya guul darradii labaad, waxaana hore uga badiyay dalka Tanzania.

Ciyaartooyada Soomaaliya ee da’da yar ayaa qeybta koowad ee ciyaarta muujiyay qaab ciyaareed wanaagsan balse marki la isku soo laabtay qeybta labaad waxaa ka muuqatay habacsanaan iyo difaac xumo sababtay in laga dhaliyo goolal badan.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa garoonka soo camiray iyaga oo garab istaag iyo taageero buuxa u muujiyay xiddigaha ku ciyaarayay magaca Soomaaliyeed, taas oo dhiiri gelin wanaagsan u noqotay xulka Soomaaliya.

Kulanka ugu dambeeya wareega hore waxa uu dhex mari doono Soomaaliya iyo Rwanda 11-ka bisha November.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here