Saturday, July 27, 2024

UK oo $7 milyan ku taageereysa wax ka qabashada El Nino

Muqdisho (Dawan)- Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqday in ay ku dhawaad $7 milyan ku taageereyso wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee ka jirta taas oo ay sababen fatahaadaha.

Gargaarkaan bini’aadantiimo ayaa lasiin doonaa dadka ay saameyntu soo gaartay iyada oo wax looga qaban doono dhibaatada dhanka cunna yarida, caafimaadka iyo biyaha.

Roobabka mahiigaanka ah ee bishi lasoo dhaafy ka da’ay Soomaaliya ayaa barakiciyay in ka badan 700,000 oo qof, waxeyna dhibaatadaan kusoo aadeysa kadib laba sano oo ay dalka ka jirtay abaar galaafatay nolosha kumanaan qof.

Taageeradaan cusub ee bini’aadantinimo ayaa timid iyada oo UK ay uga dhawaaqday shirka COP28 in 100 milyan oo gini ay ku taageerayso waddamada u nugul saameynta isbeddelka cimilada.

Lacagtaas waxaa ka mid ah 7.4 milyan oo gani oo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya si ay u hesho ceymiska wax ka qabashada abaaraha seddexda sano ee soo socoto, hadii aan roobab la helin xilliyada roobabka.

Wasiiru-dawlaha horumarinta iyo Afrika ee UK, Andrew Mitchell oo ka hadlayay ceymiska cusub ee abaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantiimo ee ugu xun aduunka iyada oo saameynta ba’an ee isbadadlka cimiladda ay gaartay kuwa ugu nugul.

Roobabka deyrta ee bishi lasoo dhaafay ka curtay deegaanadda Soomaalida ayaa saameyay in badan 2 milyan oo qof iyada oo ay ku barakaceen in ka badan 1 milyan oo kale

Dhimashada ayaa sidoo kale kor u dhaaftay 100 qof, iyada oo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay in dalku uu galay xaalad bini’aadantinimo oo u baahan in si dag-dag ah wax looga qabto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here