Saturday, July 27, 2024

Saraakiil loo heysto musuq oo la horkeenay Racfaanka

Muqdisho (Dawan)- Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir oo ka jawaabeysa Rafcaan laga soo qaatay Xukun Maxkamadda derajada koowaad ka gaartay Dacwadii Musuq Maasuqa uuna soo qaatay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee qaranka ayaa maanta u fariisatay dhegaysiga fadhiga labaad ee dacwadda.

Dacwadda Musuq-maasuqa ayaa waxaa eedeysanayaal ka ah saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin:

1. Saabir Cabdi Nuur

2. Cabdullaahi Maxamuud Cosoble.

3. Cumar Macalin Nuur

4. Aadan Maxamed Cabdi

Fadhigaan fadhigii ka horeeyey oo dhacay 11-Nov- 2023 Maxkamadda Rafcaanku waxay amartay in Xafiiska Xeer-ilaalintu keeno caddeymaha ay u hayaan kiiskaan iyo caddeyn kasta Eedeysanaha ay lidka ku tahay iyo tirada caddeymaha ay u hayaan Eedeysane kasta.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta soo bandhigay Caddeymaha uu u hayo Eedeysanyaasha , gaar ahaan caddeymaha lidka ku ah Eedeysaneyaal Cumar Macalin Nuur iyo Cabdullaahi Maxamuud Cosoble.

Maxkamaddu markii ay dhegaystay soo gudbinta Caddeymaha lidka ku ah labada eedeysane waxay amartay in Xafiiska Xeer-Ilaaliyuhu ku sii socdo soo bandhigista caddeymaha uga harsan kiiska fadhigaan fadhiga xiga.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa hore ugu xukuntay Saabir Cabdi Nuur seddex sano iyo lix bilood oo xabsi ah, halka Cabdullaahi Maxamuud Cosoble iyo Cumar Macalin Nuur lagu xakumay min hal sano oo xabsi ah, iyada oo Aadan Maxamed Cabdi lagu waayay wax dembi ah.

Saraakiishaan ayaa ka mid ah 25 eedeysane oo loo heysto lunsashada hanti dowladeed oo kor u dhaafeysa 21 Milyan oo doollar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here