Saturday, July 27, 2024

Wasiirka difaaca Mareykanka oo mar kale la dhigay isbitaal

Washington (Dawan)- Afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa ku dhawaaqay in Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, oo la ildaran kansarka qanjirka in uu shaqadiisa u wakiishay ku xigeenkiisa Axaddii, saacado ka dib markii la dhigay isbitaalka, markii ay lasoo deristay caafimaad xumo.

“Austin waxa uu ku wareejiyay shaqada ku xigeenka Wasiirka Difaaca, Kathleen Hicks”, sidaas waxaa yiri, af-hayeenka Pat Ryder.

Waxa uu intaa ku daray in Wasiirka ku xigeenka Difaaca, Hicks ay gacanta ku hayso howlihii Austin”, isagoo xusay in Wasiirka ay weli ku socoto daweyn , Aqalka Cad iyo Congress-kana lagu wargeliyay arrintan.

Austin ayaa mar kale loo qaaday Isbitaalka Axadii, markaan waxaa sabab u ah dhibaato dhanka kaadiheysta ah, waxeyn kusoo beegmeysa toddobaadyo ka dib markii laga helay cudurka kansaraka.

Austin ayaa laga waayay shaqada Dowladda Mareykanka dabayaaqadii December iyo sidoo kale horraantii January , ka dib markii uu xanuunka Kansarka la galay Isbitaal, isaga oo ka qariyay Madaxweyne Joe Biden.

Austin ayaa raali galin bixiyay horaantii bishaan ka dib markii uu la kulmay dhaleecayn siyaasadeed oo aad u xoogan, iyada oo Xisbiga Jamhuurigu dalbadeen in xilka laga qaado.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here