Saturday, July 27, 2024

Shiinaha: Somaliland waa qeyb ka mid ah Soomaaliya

Beijing(Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibaddaee ee Shiinaha ayaa caddaysay mawqifkeeda ku aaddan xiisadda diblomaasiyadeed ee sii xumaaneysa taas oo u dhaxeysa Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kadib heshiiska is-afgaradka ee ay Itoobiya la gashay Somaliland.

Mao Ning, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, ayaa sheegtay in Dowladeedu ay u taagantahay in ay ilaaliso ujeedooyinka iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana ay taageerayaan ilaalinta madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka.

“Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya. Shiinuhu waxa uu taageeraya ilaalinta midnimada qaranimo, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya, waxaana rajaynaynaa in dalalka Gobolku ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha ka jira Gobolka iyagoo u maraya wadahadal diblomaasiyadeed” ayay tiri, Mao Ning.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Fei Shengchao, ayaa ka mahadceliyay mowqifka adag ee Dowladda Shiinuhu ay ku garab istaagtay qaranimada iyo madaxbaaninda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegtay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay muhiimadda ay u leedahay ilaalinta sharuucda caalamiga ah, xasilloonida iyo deganaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.

Soomaaliya ayaa billaawday dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed kadib markii lagu dhawaaqay heshiiskii Badda ee dhax maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland 1-dii bishaan january.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiska waxeyna ku tilmaamtay gar darro cad oo halis gelineysa deris wanaaga, nabad kuwada noolaansha iyo   xasiloonida Gobolka.

 Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay Itoobiya uga digtay isku day kasta oo xad gudub ku ah gobanimada, madax bannaaninda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo caddeysay in ay qaadeyso tillaabo kasta oo ay kaga jawaabeyso tillaabada ay qaaday Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here