Saturday, July 27, 2024

Cape Verde iyo Senegal oo u gudabay wareega 16-ka ee koobka Afrika

Abidjan (Dawan)- Xulka Cape Verde oo wacdaro ku billaabay koobka Qarmada Afrika ayaa 3-0 kaga badiyay xulka Mozambique ciyaar ka dhacday garoonka Stade Félix-Houphouët-Boigny ee caasimadda Abidjan.

Xulka qaranka Cape Verde ayaa gaaray guushi labaad ee koobka, waxa uuna xaqiijyay in ay u gudbaan wareegga 16-ka ee is reeb-reebka.

Ciyaariyahanka darbda kulal ee Bebé ayaa daqiiqadii 32-aad dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta kadib markii uu shabaqa dhax dhigay kubad uu kasoo laaday meel goosha u jirta 36 mitir.

Ryan Mendes ayaa ka faa’iidaystay khaladaadka daafacyada Mozambique, waxa uuna ciyaarta ka dhigay 2 iyo 0 wax ka yar kadib markii laga soo laabtay nasiinada qeybta koowaad.

Kevin Lenini ayaa quusiyay reer Mozambique kadib markuu daqiiqadii 69-aad dhaliyay gooshi seddexaad.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay ciyaartoydeyda,” ayuu yiri Tababbaraha Cape Verde, Bubista, ciyaarta kadib mar uu la hadlay Warbaahinta.

Xulka Cape Verde ayaa la ciyaari doona fiidnimada Isniinta ah soo socota xulka Masar oo ay xaalddu ku adagtahay kadib 2 bareejo oo ay galeen sidoo kalena xiddigooda Maxamed Salaax oo dhaawac ku seegi doona ciyaarta.

Masar waxa ay u baahantahay 3 dhibcood halka Tababaraha Cape Verde laga yaabo inuu nasiino geliyo ciyaartooyda muhiimka ah maadaama ay soo baxeen.

Xulka Senegal oo difaacanaya koobka ayaa guul 3-1 ah ka gaaray xulka qaranka Cameroon, ciyaar ka dhacday garoonka Stade Charles Konan Banny ee magaalada Yamoussoukro.

Daqiiqadii 16-aad ee ciyaarta, Ismaila Sarr ayaa dhaliyay goolka koowaad, waxaana u labeeyay Diallo daqiiqadii 71-aad.

Cameron ayaa ciyaarta soo nooleysay markii ay gool dhalisay daqiiqadii 83-aad kadib markii ay kubado dhaadheer ku weerareen goosha Senegal.

Waxa ay ahayd in Frank Magri uu bareejo ka dhigo iyada oo ay saacadu ku sii socotay dhamaadka ciyaarta laakiin kubad uu madaxa ku dhuftay ayaa dhinaca midig ka martay goosha Edouard Mendy.

Sadio Mane ayaa ku ciqaabay Cameron fursadi dahabiga ah ee ay lumiyeen kadib markii uu wax yar kadib ka dhaliyay goolkii seddexaad.

Xulka Guinea ayaa Senegal kula tartami doona kaalinta koowaad haddii ay ka badiyaan kulankooda ugu dambeeya ee Group C oo ka dhici doona Yamoussoukro, 23-ka Janaayo.

Cameroon waa inay ka badiso Gambia isla habeenkaas si ay u hesho fursadaha ay ugu mid noqon karto xulalka ugu fiican ee gala kaalinta seddexaad.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here