Saturday, July 27, 2024

Shaqaale dowladeed oo maxkamad loo soo saaray in ay xiriir la lahaayeen A S

Muqdisho (Dawan)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta billawday dhegeysiga dacwad ka dhan ah 11 ka mid ah shaqaalaha Gobolka Banaadir kuwaas oo lagu soo eedeyay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al-shabaab.

Sida ay sheegtay xeer ilaalinta, shaqsiyaadkaan oo ka kooban 8 rag ah iyo saddex dumar ah ayaa lagu soo eedeeyay in ay ka tirsanaayeen shabakad Al-Shabaab u qaabilsanayd dhanka basaasnimada iyo xogta goobaha lala beegsado qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Xeer ilaalinta waxa ay sidoo kale sheegtay in shabakadaan basaaska ay ka howlgasho degmooyinka Gobalka Banaadir gaar ahaan Hodan, Howlwadaag, Heliwaa, Dayniile, Yaaqshiid iyo deegaanka Daarusalaam ee duleedka Muqdisho.

Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigtay computer lagu soo qabtay C/raxiim Maxamed Cismaan Jimcaale (Macruuf) oo ah madaxa kooxdaan ayna ku jiraan macluumad badan oo ku saabsan qaabka howlgalkooda iyo diiwaankooda uu dhameystiran.

Shabakadda waxaa ku jira Ayaanle Maxamed Cali oo ka mid ahaa saraakiisha saldhiga degmada Hodan laakin u baxsaday kooxda Al-Shabaab, kadib markuu ogaaday in kiiskiisa lagu wado baaritaan, sida ay sheegtay Xeer ilaalinta.

Dadka kale ee lagu eedeeyay inay Al-Shabaab u ahaayeen basaasiin waxaa ka mid ah.

Shariif Nuur Cali Awliyo oo ahaa wakiilka degmada Hodan, waxaa loo heystaa eedeymo la xiriira qaraxii Zope-2, miinooyin uu u aasayay taliyihii saldhiga degmada Hodan, iyo inuu ku lug lahaa dilka muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray. Mahad Maxamed Cali.

Jibriil C/llaahi Sheekh: Waxaa lagu eedeeyay inuu faafiyay fikirka Al-Shabaab, waxaana la sheegay in uu tababar ku soo qaatay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, hadana uu yahay mid ka mid ah basaasiinta kooxda Al-shabaab u qaabilsan Gobolka Banaadir.

Cabdi Cali Cibaar Wardheere (Tabliiqa): Waxaa lagu eedeeyay in uu bixiyay xog ku saabsan qaraxyo laga fuliyay deegaanka Daarusalaam iyo xaafadda Carafaad.

Canab Xuseen Cumar Fiidow: Waxaa loo xiray doorkii ay ku laheyd gudbinta xogta dumarka ka shaqeeyaa degmada Hodan oo ay la wadaagtay Al-shbaab, taageeriid ay Al-shabaab ugu muujisay baraha bulshada iyo in gaaleysiisay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Korneyl Cawil Jamaal Cabdulle Xiirey: oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, Korjooge ka ahaa aagga October ee Degmada Hodan.

Raxmo Cabdi Cabdishkuur Cali Muumin (Sandheer): Madaxa Qaybta Labaad ee Feer-feer.

Maxamuud Axmed Siyaad Barre (Muruq): Madaxa Waaxda Kaacaan ee Degmada Hodan.

Sharmaarke Muuse Ismaaciil Caraale: G/kuxigeenka Qaybta Kaacaan iyo Hogaanka Ciyaaraha Degmada.

Asiili Maxamed Dhicisow Faarax: Madaxa Qaybta Taleex oo loo yaqaan Al-barako.

Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan): Madaxa Qaybta Afraad ee Qaybta Kacaan.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegtay in qaar kamid ah eedeysanayaasha ay qirteen in ay xiriir la lahaayeen Al-Shabaab, kana qeyb qaateen fududeynta dilal qorsheysan oo lala beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo qaraxyo ay ka mid yihiin qaraxii Zoobe ee Labaadi.

Dhanka kale, qareenada difaacaya eedaysanayaasha ayaa ku dooday in aanay ku filnayn cadaymaha la horkeenay maxkamada eedaha loo jeediyay shakhsiyaadka loona baahanyahay in ay dib u helaan xorriyadooda.

Qareenadu waxa ay ku doodeen in aanan la keennin caddeymo muuqda sida marqaati, qof ay wax gaarsiiyeen iyo caddeymo kale oo muujinay dembiyada lagu eedeeyay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Shuute ayaa soo xiray fadhiga, wuxuuna sheegay in dhawaan ay Maxkamadda go’aan kasoo saari doonto kiiska.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here