Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo laga badiyay kulanka koowaad ee tartanka Cecafa U-15

Kampala (Dawan)- Xulka Soomaaliya ayaa guul darro kala kulmay xulka Tanzania kadib markii ay galabta wada ciyaareen kulanka koowaad ee tartanka Cecafa U-15 oo sannadkaan lagu qabanayo dalka Uganda.

Goolka kaliya ee ay guushu ku raacday Tanzania ayaa yimid, qeybta labaad ee ciyaarta.

Ciyaartooyada Soomaaliya ee da’da yar ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan marka loo eego sida ay raacanayaan kubadda iyo marka ay sameynayaan weerar celiska, taas oo keentay in difaacyada Tanzania aya sameeyaan khaladaad badan, inkasta oo aysan Soomaaliya ka faa’iideysan fursada badan oo gool nooqn karay.

Qofki daawaday ciyaarta, waxa kaliya ee uu tebi karay ayaa ahaa dhameystirka iyo gool dhalinta.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa garoonka soo camiray iyaga oo garab istaag iyo taageero buuxa u muujiyay xiddigaha ku ciyaarayay magaca Soomaaliyeed, taas oo dhiiri gelin wanaagsan u noqotay xulka Soomaaliya.

Kulanka labaad waxaa xulka Soomaaliya ay iska hor imaan donaan dhiggooda Zanzibar 8-da bisha.

Kulanka ugu dambeeya wareega hore waxa uu dhex mari doono Soomaaliya iyo Rwanda 11-ka bisha November.

Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbada Cagta, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa sheegay in uu aad ugu rajo weyn yahay in xulka Soomaaliya ee U-15 uu guul taariikhi ah kaso hooyn doono cayaaraha da’yarta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.

“Soomaaliya waxa ay xoogga saareysa dhallinyarada iyo in kubbadda cagta hoos laga soo dhiso, xiriirkuna mar kasta waa ku xisaabtamayaa cayaaraha da’yarta oo aan ognahay in kuwii ka dhacay Asmara ay Soomaaliya ka gashay meel wanaagsan, halka tartankii U-17 ee ka dhacay Addis Ababa ay Soomaaliya ku guuleysatay” ayuu yiri Cali shiine.

Heerka kubadda cagta Soomaaliya ayaa kor usoo kacay sannadihii ugu dambeeyay, iyada oo shacabka Soomaaliyeed u wada riyaaqay guushii ay xulka 17-da Soomaaliya kasoo hooyeen tartamadii ugu dambeeyay ee ay ka qeyb galeen iyo qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here