Saturday, July 27, 2024

Wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Turkiga oo ku kulmay Ankara

Ankara (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa maanta oo Khamiis ah magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ku qaabilay ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar.

Kulankaan oo ahaa mid ay albaabadu u xiranyihiin lagama helin, wax faahfaahin ah.

Warbaahinta rasmiga ee Soomaaliya waxa ay ku gaabsatay in ay kawada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dal iyo xaaladda Gobolka.

ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar ayaa safaro ku bixinaya qaar ka mid ah Dowladaha caalamka gaar ahaan kuwa saaxibka dhaw la ah Soomaaliya si taageero buuxa loogu helo ka hor tagga heshiiska Badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xoogeystay tan iyo markii uu Erdogan booqasho ku yimid Muqdisho sannadkii 2011-ka, isaga oo ahaa xilligaas Ra’iisul Wasaare.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada Dhaqaalaha, Waxbarashada, Amniga, Tababarada iyo qalabeynta Ciidanka.

Tan iyo sanadkii 2013-kii, Turkiga waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadatay fududeynta wada-hadallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Turkiga waxa uu Muqdisho ka dhistay Safaaradda ugu weyn Afrika iyo Saldhig Ciidan oo ku dhawaad 1,500 oo asgari lagu tababari karo markiiba, waxaana tababar ku qaatay tan iyo markii dhidibada loo taagay 5,000 oo ciidamada amniga Soomaaliya ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here