Monday, May 20, 2024

Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka dhacay Turkiga

Ankara (Dawan) Dowladda Turkiga ayaa martigelisay shir ay kasoo qeyb galeen, dowladaha Mareykanka, Ingiriiska, Qatar, Imaaraadka Carabta, loogana hadlay arrimaha Soomaaliya.

Shirkaan oo ah kii afaraad oo ay shantaan dowaldood iyo Soomaaliya ay yeeshaan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, arrimaha bini’aadantinimada iyo sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabbaali lahaa Soomaaliya.

“Hawlgallada/ istaraatiijiyada la-dagaalanka argagixisada, xasilinta, bixitaanka ATMIS iyo Shirarka soo socda ee Horumarinta Laamaha Amniga Soomaaliya ayaa looga dooday shirka” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay xasfiiska La taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Maxamed bin Cabdicasiis bin Saalax ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Soomaaliya laga caawiyo dib u habeynta hay’adaha dowladda inta aysan ka bixin ciidamada nabad ilaalinta u jooga.

Wasiirka ayaa inatas ku daray, in Dowladda Qatar ay diyaar u tahay taageeridda hanaanka wada xaajoodyada iyo qorsha kasta oo gacan ka geysanaya sidii Soomaaliya ku heli lahayd amni iyo xasilooni.

Dhankiisa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta, Sheikh Shakhbut bin Nahyan ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay u fidineyso Soomaaliya ee dhinacayda amniga, kaabaha dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Kulankaan ay yeesheen Soomaaliya iyo shantaan dowladood ayaa daba socda kulan ay bishii June ee lasoo dhaafay ku yeesheen magaalada Dooxa ee dalka Qatar, waxeyna kulamadooda uga hadlaan arrimaha ugu dambeeyay xaaladda Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ku horgudbadan dowladda Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here