Saturday, July 27, 2024

Waa maxay Saddexda Gef ee Wasiirka Caddaaladdu Raalligelinta ka bixiyay?

Wasiirka Caddaaladda Xasan Macallin ayaa maanta raallin galin rasmi ah siiyay xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor inta uusan soo bandhigin hindise shareciyeedka “Kaalmo Sharciyeedka Federaalka”.

Xildhibaannada ayaa qoonsaday:

  • Fududeysi: Wasiirka ayaa xilli uu ka mahadcelinayay guddi Goluhu ansixiyay oo ay wasaaraddiisa soo jeedisay waxa uu sheegay hadal loo fasirtay in ay dhaga fududyihiin oo aysan ka hor imaan karin soo jeedinnada laanta fulinta.
  • Dulqaad la’aanta wasiirku xigeenka: Xildhibaanada qaar ayaa soo gocday kulan uu wasiirku xigeenku sharci usoo bandhigay isla markaana uu hoolka baarlamaanka ka baxay xilligii ay xildhibaanadu su’aalaha isku diyaariyeen.
  • Daaha Wasiirka: Wasiirka ayaa ka soo dib dhacay kulan u uku soo bandhigayay sharciga maanta la qeybiyay, taasi oo dhalisay carada xildhibaanada.
    Qodobadaan oo is biirsaday ayaa qasbay in wasiirku uu raalli galin ku bixiyo kulankii maanta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here