Saturday, July 27, 2024

Sidee Gobollada Puntland u kala leeyihiin xildhibaanada?

Garoowe (Dawan)- Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashada Puntland ayaa ugu dambayn soo saaray liiska xubnaha 66-da xildhibaan ee soo dooran doona Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Liiska lasoo saaray waxaa qeyb ka ah 17-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Puntland ku meteli doona deegaanada SSC Khaatumo, oo horay u sheegay in aysan qeyb ka ahayn, metelaadna ku yeelan doonin Baarlamaanka Puntland.

23-kii December ee sannadkii tegay ayay ahayd markii Odayaasha iyo Dhaqanka SSC Khaatumo ay soo saareen go’aan kama dambays ah, kaas oo ku aaddana xubnaha 17-ka ah ee SSC Khaatumo ku metela Baarlamaanka Puntland.

Xubnaha 66-ka ee kusoo baxay liiska ayay Gobollada Puntland u kala heli doonaan sida soo socota:
Gobolka Bari: 21 Xildhibaan
Gobollada Sool iyo Cayn: 15 Xildhibaan
Gobolka Sanaag: 11 Xildhibaan
Gobolka Nugaal: 9 Xildhibaan
Gobolka Mudug: 10 Xildhibaan

Xubnaha 17-ka ah ee ka imaanaya SSC Khaatumo ayaa in muddo ah la isku khilaafsanaa cidda soo xulayso iyo sidii laga yeeli lahaa.
Qaar ka mid musharaxiinta Madaxweyne ee Puntland, siyaasiyiin iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa qabay aragtida ah in go’aanka ka soo baxay hoggaanka SSC Khaatumo la ixtiraamo, iyada oo heshiis la isku waafaqsanyahay laga gaarayo khilaafka Xildhibaanada.

Waxa ay u muuqata in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu dhegaha ka fureystay, baaqyadi iyo go’aanadii hore uga soo baxay waxgaradka SSC Khaatumo, isaga oo soo xushay 17 xildhibaan uu isku halleeyn karo codkooda, sida ay qabaan daneeyayaasha siyaasadda Puntland.
Todobo maalin ka dib ayaa la filayaa in ay qabsoonto doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay u taaganyihiinn siyaasiyiin badan oo qaarkood ay hore madax ka soo noqdeen Puntland iyo hay’adaha Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa ka laabtay billaawgii bishii Deecember qorshihii uu damacsanaa ee ahaa inuu ka hirgeliyo Puntland doorasho qof iyo cod ah oo ay dadku si toos ah usoo dooranayaan Madaxda kala duwan.

Waxaa jiray bilihii lasoo dhaafay khilaaf xooggan oo u dhaxeeyay Maamulka iyo Mucaaradka Puntland, kaas oo ku saabsanaa qaabka loo qabanayo doorashada Wakiilada iyo Madaxtinimada ee soo socota.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here