Saturday, July 27, 2024

Sidee siyaasiyiinta Soomaaliyeed u arkaan ku biirista EAC?

Muqdisho (Dawan)- Kadib aqbalaaddii codsigii Soomaaliya ee ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxaa si kala duwan uga hadlay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa soo qabtay xilal waaweyn, sida madaxweyne.

Haddaan ku billawno Madaxweynihii xilligii kumeel gaarka, Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweyay ku biiristta EAC, isaga oo sheegay in guusha la gaaray ay soo billaabatay 2011, xilligii uu madaxweynaha ahaa, wuuxuna yiri ” Waxaan soo dhawaynayaa guusha laga gaaray dadaalkii soo billowday 2011 ee ku biirista Dallad Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ku biirsita Bulshada Bariga Afrika ay ka caawin doonto dadka Soomaaliyeed isu socodka wadamada ku mideysan dalladaan, ganacsiga iyo suuqa xorta ah maadaama dadka Soomaaliyed yihiin dad ku firfircoon dhanka ganacsiga.

Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble ayaa isaguna bartiisa Facebook kusoo qoray “Waxaan Shacabka Soomaaliiyeed ugu hambalyeynayaa ku biirista Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta (Jimco) si rasmi ah uga mid noqotay Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ah cudud dhaqaale oo muhiim u ah maalgashiga, koboca dhaqaale iyo isu socodka shucuubta gobolka Bariga Afrika”.

Rooble ayaa ku bogaadiyay hoggaanka dowladda dadaalkii ay ku bixiyeen ka mira dhalinta guushaan lawada sugaayay ku dhawaad 11 sano, isaga oo yiri ” Waa guul weyn oo u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalkii uu ku bixiyay xaqiijinta guushaan taariikhiga ah ee muhiimka noo ah”

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u arka in Soomaaliya aysan ka faa’iideysan karin fursahada jira maadama aysan lahayn afkaar, adeeg, iyo badeecad buuran oo ay suuq geyso.

Xildhibaanka ayaa yiri ” Waa guul in aan dalladdaas wayn ku biirno, dawladduna way ku ammaanan tahay dadaalkaas, waxaase hubaal ah in aanan kaga faa’iidi karin sida uu haatan xaalkeennu yahay, haddiise aan waqti, tamar, hanti, hoggaan iyo caqligaba isku geyno wax ka qabashada taaganta, waxaan noqon karnaa dalka ugu faa’iidada badan timaaddada Gobolka”.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadalkiisa raaciyay ” Qofka Soomaaliga ah wuxuu ku farxayaa oo keli ah in uu dalalkaas dal ku gal la’aan tegi karo, sababtoo ah wuxuu doonayaa meel uu naftiisa, hantidiisa iyo ubadkiisa ku aaamino, caafimaad iyo waxbarsho uga helo, dalxiis iyo nasashana u tegi karo”

Bulshada Bariga Afrika waa urur goboleed dhidibada loo taagay sannadkii 2000 ayna ku mideysan yihiin dalalka kala aha Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudaan, Tanzania, Uganda, Jamhuuriyadda Kongo iyo Soomaaliya oo noqoneysa dalkii siddeedaad ee ku biira waxaana xarun u ah magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Dalalka ku bahoobay Ururka EAC ayaa iska kaashada dhinacyada dhaqaalaha, amniga, siyaasadda, iyo dhaqanka, waxeyna mustaqbalka dhaw qorsheynayaan in ay yeehsaan lacag mideysan sidoo kalena badeecadaha ay soos aaraan iyo muwaadiniintooduba in ay isaga gooshaan dhammaan dalalkaan iyada oo aan lagu xirin shuruudo adag.

Soomaaliya ayaa ku biirin doonta ururka EAC xeebta ugu dheer Africa iyo ku dhawaad 20 milyan oo muwaadiniiteeda ah taas oo ka dhigi doonta bulshada ku mideysan ururkaan in ay gaaraan ku dhawaad 320 milyan oo qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here