Monday, May 20, 2024

Sidee Soomaaliya lagu keeni jiray hubka waayadii cunaqabateynta?

Muqdisho (Dawan)- Tan iyo markii ay burburtay dowladdii Dhexe horaantii sagaashameeyadii, hubka Soomaaliya lasoo geliyo ayaa aha mid sharco darro ah, balse hadda wixii ka dambeeya, waxey dowladda Soomaaliya ku guulaysatay in si sharci ah ay usoo iibsan karto hubka.

Arrintaan ayaa timid kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u codeeyay fiidniamdii Jimacaha in cunaqabateyntii hubka laga qaaday Soomaaliya, taas oo loo diiwaan geliyay in ay ahayd cunaqabateyntii ugu dheereed ee dal la saaro.

 Markii ugu horeysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ku soo rogay  cunaqabateyn guud oo dhanka hubka ah, dabayaaqadii bishii Janaayo, 1992,  hal sano kadib burburkii dowladii dhexe ee mileteriga iyada oo arrintaas lagu meelmariyay qaraar uu tirsigiisu ahaa 733 .

Cunaqabateynta hubka aya kadhiganayd in aan Soomaaliya la siin karin, laga iibin wax hub ah, sidoo kalena aan lagu caawin karin latalin iyo tababar ciidan.

Ujeedooyinka Cunaqabateynta waxaa sidoo kae ka mid ahaa in la joojiyo qulqulka hubka kaas oo gacanta ku gelayay dadka iyo kooxihii kala duwanaa ee talada ka tuuray Maxamed Siyaad Barre.

Bishii Febraayo ee sannadkii 2007-dii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 1744 oo ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa lagu xaddiday cunaqabateynta taas oo gaar looga dhigay dhinacyada aan dowladda ahayn ee Soomaaliya ka dagaallama.

Waxaa qaraarkaas lagu oggolaaday in Soomaaliya la geyn karo hub iyo saanad miletari oo looga gol leeyahay in lagu garab istaago  tababar iyo talo dowladda Soomaaliya.
Cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya 31 sano kadib ayaa kadhigan in laga iibin karo hub casri ah oo kor u qaadaya awoodda iyo tayada ciidaanka Soomaaliya.

Inkasta oo mudda dheer ay cunaqabateyn saarneed Soomaaliya hadana kama caaganeyn helidda hubka, waxaana siyaabo kala duwan usoo geli jiray hubka fudud, taas oo keentay in maleeshiyaad badan helaan hub aysan jirin cid maamuleysa ama kula xisaabtameysa

Ciidamadii Marines-ka Mareykanka ayaa weeraray Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho Janaayo 11-keedii, 1993, iyaga oo doonayay in ay si awood ah hubka uga dhigaan dadkii hubeysnaa sidoo kalena ay xiraan goobaha sida sharci darrada ah loogu iibiyo.

Waxa ay gacanta ku dhigeen hub tira badan laakin kuma guuleysan in ay sameeyaan hub ka dhigis dhamaystiran, iyada oo lagu eedeeyay Dowladda Mareykanka qaabka ay u maareysay qorshaha hub ka dhigista ee xilligaas.

Dhowr maalmood kadib, waxaa caasimadda Itoobiya ee Addis Abba shir loogu qabtay 14 ka mid ah hoggaamiyayaashii kooxihii isku heystay maamulka dalka, iyaada oo si weyn looga dooday sidii hubka looga saari lahaa gacanta bulshada loona sameyn lahaa nidaam hub ka dhigis ah oo heshiis lagu wada yahay.

Maadaama aysan jirin hay’ad sharci u heysata in ay hub keento Soomaaliya, waxa bilaabatay in qaab suuq madow ah dalka lagu soo geliyo hub kala duwan oo ka imaan jiray inta badan Yeman, Iiraan iyo dowladaha deriska ah, waxaana ugu caansana goobaha hubka lagu iibiyo Suuqyo ku kala yiil Muqdisho iyo Boosaaso iyada oo loo sii gudbin jiray dhowr magaalo oo dalka ah .

In ka badan 60% hubka sharci darrada ah ee lagu iibiyo  Soomaaliya ayaa lagu soo farsameeyay Shiinaha.  

 Ku dhawaad 95% hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya lasoo galiyay, waxay ahaayeen qoryo dagaal  kuwaas oo si fidud garbaha loogu qaadan karo .

Qoriga AK47 ayaa ahaa  qoriga ugu badan tiro ahaan ,kaas oo laga isticmaalo dhamaan magaalooyinka dalka. Qiimaha celceliska ah ee qorigan ayaa ah  1422$.

Woqoyiga iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa ku kala duwan qiimaha iyada oo Waqooyiga la iibiyo 1379$ halka Koonfurta la iibiyo 1466 $ .

Suuqa Madow ee hubka magalada Muqdisho ayaa ahaa warshadda hubka ee quudisa ciidamada maleeshiyaadka qabiilada iyo siyaasiyiinta mucaradka   xilliyada xasilooni la’aanta ay ka  jirtay dalka .

Xiliyada ay jirto xasilooni darro ama colaad ka dhaxeyso laba beel ayaa ahaa waqtiga loogu iibsiga badnaa lacag fiicana laga sameeyn jiray ka ganacsiga hubka, sida ay sheegeen dad xog ogaal u ahaa arrintaan

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here