Wednesday, December 4, 2024

Somaliland.. Dadwaynaha oo go’aaminaya madaxweynaha 6-aad

Hargeysa (Dawan)- Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 13-ka November 2024, waxaa si rasmi ah Somaliland looga dareeray doorashada isasaaran ee madaxtinimada iyo tan axsaabta siyaasadda, taas oo noqoneysa mid muhiimad gaar ah leh, maadaama ay ka qayb galayaan urururro cusub oo doonaya in ay noqdaan xisbiyo rasmiga ah ee siyaasadeed.

Hadaba waxaan halkaan kugula wadaagaynaa 5 qodob oo ay tahay inaad ka ogaato doorashooyinka Somaliland

1. In Ka Badan Hal Milyan Qof oo ka  Codeynaya Lix Gobol

Doorashada oo ay bulshada Somaliland si weyn u hadal hayaan, ayaa ka dhacaysa lixda gobol ee ay Somaliland ka koobantahay, oo ay ku jiraan Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer, Sool, iyo Sanaag. Sida uu shaaciyey Komishanka Doorashooyinka Somaliland. Dadka u diiwaan gashan inay codeeyaan doorashadan ayaa dhan 1,227,048 qof, kuwaas oo codkooda ka dhiiban doona 1,235 xarumood oo doorasho ah oo ku kala yaal gobollada Somaliland.

– Gobolka Awdal waxaa laga codeyn doonaa 153 goobood oo ay ka codeynayaan 181,801 qof.

– Gobolka Maroodi-jeex waxaa ka codeyn doona 497,734 qof oo ku sugan 345 goobood.

– Gobolka Saaxil waxaa laga codeyn doona 90 goobood oo ay ku codeyn doonaan 92,279 qof.

– Gobolka Togdheer waxaa laga codeyn doonaa 209 goobood oo ay ku codeyn doonaan 236,279 qof.

– Gobolka Sool waxaa laga codeyn doona 202 goobood oo ay ka codeyn doonaan 98,966 qof.

– Gobolka Sanaag waxaa laga codeyn doona 236 goobood oo ay ka codeyn doonaan 119,648 qof.

2. Doorashada Axsaabta

Xisbiyaada Doorashadaan u  tartamaya ayaa gaaraya ilaa 10 waxayna isugu jiraan xibiyada hadda jira iyo Ururada u tartamaya in ay xisbiyo nooqdaan.

3. Musharrixiinta Madaxweynaha

Saddexda musharrax ee u tartamaya xilka madaxweynaha ayaa kala ah:

1. Muuse Biixi Cabdi – Madaxweynaha xilka haya, oo mar labaad u tartamaya doorashada isagoo ka socda xisbiga Kulmiye.

2. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro – Musharraxa xisbiga Waddani, oo horey u soo noqday guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland.

3. Faysal Cali Waraabe – Musharraxa xisbiga UCID, oo ah musharraxa kaliya ee ka qayb galay doorasho kasta oo madaxtinimo tan iyo tii ugu horreysay ee 2003.

4. Muhiimada Doorashadan iyo Saameynta Ay Ku Yeelan Karto Somaliland

Doorashadan ayaa ah mid si gaar ah muhiim ugu ah Somaliland, maadaama ay ka soo gudubtay khilaaf siyaasadeed oo muddo dheer hareeyay Somaliland labadii sano ee lasoo dhaafay. Khilaafkan ayaa saameyn xooggan ku yeeshay siyaasadda Somaliland, waxaana doorashadani loo arkaa mid soo afjari karta is-qabqabsigii siyaasadeed ee jiray.

5. Taariikhda Doorashooyinka Somaliland

Somaliland waxay si rasmi ah u yeelatay nidaamka xisbiyada badan sanadkii 2001, waxaana doorashooyinka madaxtinimada ee xisbiyada  la qabtay seddex jeer . Doorashooyinkii hore ayaa qabsoomay sanadihii 2003, 2010, iyo 2017, iyadoo Kulmiye uu guuleystay labadii doorasho ee u dambeeyay.

Sida uu dhigayo dastuurka Somaliland, madaxweynaha waxaa la doortaa muddo shan sano ah. Doorashada hadda socota, haddii ay qabsoonto, waxay noqon doontaa tii afaraad ee madaxtinimada ee ka dhacda Somaliland tan iyo 1991.

Marka la eego ololaha doorashada iyo tartanka adag ee musharrixiinta kala duwanaa, waxaa muuqata in doorashadan ay tahay mid taariikhi ah oo go’aamin doonta hoggaamiyaha soo socda ee Somaliland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here