Saturday, July 27, 2024

Somaliland oo Masar ku eedeysay fara gelinta arrimaha Gobolka

Hargeysa (Dawan)- War qoraal ah soo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamaiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay si adag uga soo horjeedo fara galin kasta oo dibadeed oo ka soo horjeedo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la saxiixatay Dowladda Itoobiya.

War-saxaafadeedkan ayaa u muuqday mid ka jawaabayay shirkii jaraa’id ee Madaxda Soomaaliya iyo Masar ku diideen heshiiska Badda ee Itoobiya iyo Somaliland, iyada uu Madaxweynaha Masar sheegay in aan la aqbali karin heshiis nuucaas ah.

Sidoo kale, Somaliland ayaa ugu baaqday dhamaan dhinacyada daneeya arrimaha Somaliland inay diirrada saaraan waxyaabaha nafciga u leh nabada mandaqada iyo iskaashiga.

Somaliland ayaa u soo jeedisay Dowladda Masar in ay xoogga saarto nabadeynta iyo xasilinta wadamada ay dariska yihiin ee Suudaan, Liibiya, iyo Falastiin oo la daalaa dhacaya caqabado waaweyn oo ay Masar qeyb weyn ka qaadan karto xal nabadeedkooda iyo xasiloonidooda.

Somaliland ayaa intaas ku dartay in ay fahansantahay aragtida Masar ee cilaaqaadka Gobolka, waxeyna sheegtay in loo baahanyahay in lasii joogteeyo dadaalada wada jirka ah iyo wada shaqeynta ku dhisan ixtiraam si loo horumariyo danaha guud ee wadamada mandiqada .

Somaliland waxa ay ballan qaaday in ay sii wadi doonto wadahadalada diblomasiyadeed iyo iskaashi ee kala dhaxeeya dhamaan dalalka si kor loogu qaado nabada iyo horumarka Geeska Africa.

Warkaan Somaliland ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-siisi uu 21 bishaan January taageero xoogna u muujiyey Dowladda Soomaaliya , isaga oo caddeeyay in heshiiska Badda uu yahay mid aan la aqbali karin.

Al-siisi ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in la handado Soomaaliya ama wax loo dhimo madax bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed isaga oo raaciyay in Soomaaliya xubin ka tahay Jaamacadda Carabta xaqna u leedahay in Dowladaha Carabtu wada difaacaan amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

 Dowladda Itoobiya iyo Somaliland ayaa hore uga hor yimid go’aankii kasoo baxay shirkii Jaamcadda Carabta ee taageerada iyo garab istaaga loogu muujiyay Dowladda Soomaaliya sidoo kalena lagu diiday heshiiska ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland kowdii bishaan January.

Mesganu Arega oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa ku tilmaamay go’aanka kasoo baxay Jaamacadda Carabta isku day lagu faragelinayo arrimaha gudaha iyo madax-banaanida Itoobiya.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay ku guuleysatay dagaalka diblomaasiyadda ilaa iyo hadda, iyada oo taageero buuxa ka heshyay Ururo caalami ah iyo inta badan Dowladaha daneeya Gobolka, inkasta oo ay adagtahay in la saadaaliyo qaabka ay ku dhammaan doonto xiisaddan kusoo korortay Geeska Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here