Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh: Ma jirto cid awood ku qaadan karta dhul dad kale qarniga 21-aad

Qaahira (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan jirin Dowlad awood u leh in dhulka dad kale xoog ku qaadato xilliga la joogo, isaga oo tusaale usoo qaatay sida Ruushku uusan weli uga libin keenin dagaalka uu ku qaaday Ukraine.

Xasan Sheekh ayaa hadalkaan ku sheegay Wareysi uu siiyay Kanaalka Al-Carabiya xilli uu ku sugnaa Magaalada Qaahira ee dalka Masar, isaga oo yiri, ” Cidina xaq uma laha in ay dhul iska qabsato kadibna dhulkeeda ku darsato qarniga 21-aad”

Mar wax laga weydiiyay sida ay Soomaaliya uga hortegeyso tallaabada ay qaaday Itoobiya, waxa uu sheegay in Soomaaliya ka mid tahay Jaamcadda Carabta sidaasna ay ku yeelaneyso xaqa ah in ay hesho in la difaaco amnigeeda iyo madax bannaanideda.

“Soomaaliya waa xubin ka mid ah  Jaamacadda Carabta, waxayna  xaq u leedahay inay hesho taageero wadajir ah oo ay isku difaacdo” ayuu yiri, Madaxweyne Xasan

Madaxweyne Xasan ayaa intaas ku daray in uu ka codsaday Dowladda Masar in ay taageerto Soomaaliya ” Maadaama Masar ay tahay dalka ugu weyn dalalka Carabta, waxaan  ka codsaday in aan ka helno taageero  haddii loo baahdo”

Waxa uuna raaciyay “ Haddii ay Itoobiya joojin waydo tallaabooyikna waalida ah, waxaan u baahnaa doonaa taagerada cid kasta”

Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay tallaabada ay qaaday Itoobiya in ay ka dhigantahay in asyan wax ixtiraam ah u haynin xeerarka adduunka sidoo kalena aysan aqoonsanayn madax bannaanida Dowladda Soomaaliya, isaga oo yiri, ” Itoobiya tallaabada ay qaaday  waxay ka dhigan tahay in aysan Dowladda Soomaaliya aqoonsanayn”

Madaxweyne Xasan ayaa meesha ka saaray inuu dhici karo wada hadal dhax mara Soomaaliya iyo Itoobiya si loo xalliyo khilaafka jira, wuxuuna sheegay in ay Itoobiya ku adkaysanayso inay dhul Soomaaliyeed qaadato, sidaas darteedna uusan jirin hanaan ay labada dhinac kuwada hadli karaan.

Madaxweynaha ayaa ka digay in Ciidamada Itoobiya ay kasoo gudbaan xudduuda labada dal si ay u qabsadaan dhul Soomaaliyeed, waxa uuna yiri ” Haddii ciidamada Itoobiya ay ka soo tallaabaan xuduudka Soomaaliya si ay u qaataan taako ka mid ah dhulkeena, waxaa dhici doonta dhibaato weyn”.

Inkasta uu Xasan Sheekh qiray in aysan hadda qorshaha ugu jirin in ay dagaal la galaan Itoobiya hadana waxa uu caddeeyay in ay ka jawaabi doonaan tallaabo kasta oo xad gudub ku ah madax bannaanida Soomaaliya.

“Hadda niyadda nooguma jirto inaan la dagaalanno Itoobiya, laakiin haddii ay arrintu is bedesho, waan uga jawaabi doonna qaabka ugu habboon” ayuu yiri, Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ujeedaka Itoobiya uusan ahayn in ay hesho Bad ay kala soo degto ganacsigeeda balse ay u socoto in ay qaadato dhul Soomaaliyeed.

 Dowladda Itoobiya iyo Somaliland ayaa hore uga hor yimid go’aankii kasoo baxay shirkii Jaamcadda Carabta ee taageerada iyo garab istaaga loogu muujiyay Dowladda Soomaaliya sidoo kalena lagu diiday heshiiska ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland kowdii bishaan January.

Mesganu Arega oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa ku tilmaamay go’aanka kasoo baxay Jaamacadda Carabta isku day lagu faragelinayo arrimaha gudaha iyo madax-banaanida Itoobiya.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay ku guuleysatay dagaalka diblomaasiyadda ilaa iyo hadda, iyada oo taageero buuxa ka heshyay Ururo caalami ah iyo inta badan Dowladaha daneeya Gobolka, inkasta oo ay adagtahay in la saadaaliyo qaabka ay ku dhammaan doonto xiisaddan kusoo korortay Geeska Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here