Saturday, July 27, 2024

Soo laabashada Deni iyo walaaca Mucaaradka ee doorashooyinka

Garoowe (Dawan)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa kusoo laabtay Garoowe kadib 55 maalin uu dibadda ku maqanaa.

Safarka Deni oo ahaa mid qarsoodi ah, wuxuu cagta soo mariyay dalalka, Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Kenya, waana safarkii ugu dheeraa ee uu Deni galo tan iyo 2019 oo ahayd markii loo doortay Madaxweynaha Puntland.

Mucaaradka Puntland ayaa ku eedeyay Deni inuu isaga jiro dalxiis, xilli khilaaf xooggan ka jiro hannaanka nidaamka xisniyada iyo doorashada lagu ballansanyahay inay ka dhacdo maamul goboleedka Puntland bisha January ee soo socota,

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo 10-kii bishaan October shir uga furmay magaalada Garoowe ayaa dhaliilay hannaanka uu Deni u wajahayo doorashada Puntland, ayaga oo sheegay in laga gaabiyay sixidda iyo dardargelinta hannaaka dimoquraadiyadeynta deegaanada Puntland.

Xasan Shire Abgaal, oo horay u soo noqday Wasiirka Maaliyadda maamul goboleedka Puntland, haddana ah musharrax u taagan xilka Madaxweynaha maamulkaas ayaa sheegay in haddii doorashada Puntland lagu qaban waayo waqtigeedii oo ah January 8, 2024 ay qaadi doonaan tillaabo aan horay loo arag.

Xasan Shire, ayaa sidoo kale ugu baaqay siyaasiyiinta iyo mucaaradka in ay u midoobaan sidii loo samata bixin lahaa Puntland iyada oo aan Deni kaliya lagu halleyn doorashada.

Ma ahan markii ugu horeysay ee la isku qabto hannaaka doorashooyina Puntland, waxaan sidaan oo kale hore u dhacay Khilaaf iyo iska hor imaadyo hubeysan kuwaas oo galaaftay nolosha toboneeyo qof.

Waxgaradka iyo Odayada deegaanka ayaa had iyo jeer isku taxallujiya in ay xalliyaan khilaafaadka siyaasdeed, haddii ay xadka dhaafaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here