Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wda hadlay qodobo muhiim u ah amniga Soomaaaliya

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Xoghayaha Difaaca Mareykanaka Lloyd Austin. oo labaduba booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa kawada hadalay dhowr qodob oo muhiim u ah amniga iyo xasilinta Soomaaliya.

Madaxaweynaha iyo xoghayaha ayaa wada hadlaay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada adal ee dhinaca amniga iyo kaalinta uu Mareykanku ka qaato dagaalka dowladdu kula jirto kooxda Al-shabaab.

Waxaa kale oo kulanka looga dooday sidii Soomaaliya looga qaadi laha cunaqabateynta hubka ee saarneed tan iyo 1992-kii taas oo sameyn ku yeelatay awoodda ciidanka Soomaaliyeed maadaama ay adagtahay in uu helo hub casri ah.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabuuti kula kulmay Xoghayaha Difaaca Mareykanka. Waxay ka wada hadleen sii xoojinta iskaashiga amniga, taageerada duullaanka joogtada ah ee ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah, iyo dadaallada ku aaddan qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya toboneeyo sano” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa bogaadiyay dadaalka ay dadka Soomaaliyeed ku bixiyeen dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo ku celiyay sida ay uga go’an tahay inay Soomaaliya ka taageeraan la dagaalanka Al-Shabaab.

“Waxaan la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud intii aan ku guda jiray booqashadii aan ku tegay Jabuuti, waxaanan ka wada hadalnay dadaallada wada jirka ah ee aan uga hortageyno Al-shabaab, waxaana qiraya geesinnimada iyo naf-hurnimada shacabka Soomaaliyeed oo aan si wadajir ah uga shaqeynayno sidii aan wax uga qaban lahayn caqabadaha nagu soo fool leh,” ayuu yiri Lloyd Austin. , Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka.

Kulankan ayaa ku soo beegmay iyada oo Soomaaliya ay ka codsaday Golaha amniga ee Qaramada Midoobay in hakin lagu sameeyo bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa oo hore loo qorsheeyay in la dhimo tiradooda.

Wajigii kowaad ee dhimista ciidamda ATMIS ayaa dalka looga saaray 2,000 oo askari, halka lagu wareejiyay lix Saldhig Ciidaanka Soomaaliya, waxaana sidoo kale la billaabay wajiga labaad bishaan September.

22-kii Sebtembar, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerar cirka ah uu Mareykanku ku dilay Isaaq Cabdullaahi oo ahaa horjooge ka tirsan Al-Shabaab iyo todobo ilaaladiisa ahaa.

Dhankooda Al-shabaab ayaa sheegay in duqeyntaas lagu dilay siddeed qof oo isku qoys ah kuwaas oo ay ku jireen lix carruur ah.

Dagaalka dowladda iyo Al-shabaab ayaa xoogeystay bilihii lasoo dhaafay iyada oo mid walba sheegto in uu khasaare gaarsiiyay dhinaca kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here