Saturday, July 27, 2024

Danjiraha Soomaaliya ee Morocco oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

Rabat (Dawan)- Boqor Maxamed-ka Lixaad ee ka taliya dowladda Morocco, ayaa maanta oo isniin Qasriga Boqortooyada ku qaabilay dhowr Danjire oo dalkaas loo soo magacaabay si ay dowladahooda ugu metelaan.

Danjirayaalka maanta laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga, waxaa ka mid ah Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhi doona dalkaas, Salaad Cali Ibraahim.

Dowladda Soomaaliya ayaa Salaad u igmatay in uu ka shaqeeyo kor u qaadista xiriirka laba geesoodka ah, si loo helo iskaashi xooggan oo dhex mara labada dal.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Morocco ayaa sannadkii hore shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay ka furan doonto Rabat safaarad si loo billaabo xiriir toos ah oo ay yeeshaan labada dowladood.

Morocco ayaa isbuucaan taageero u muujisay codsiga Soomaaliya ee lagu hakinayo bixitaanka ATMIS, iyada oo arrintaan loo fasirtay in Morocco kusoo biirtay dowladaha ku lugta leh siyaasadda Soomaaliya.

Danjirayaalka kale ee maanta laga guddoomay waraaqaha aqoonisga ayaa ka ka socda dalalka Jabuuti, Qatar, Comoros, Suudaan, Itoobiya iyo dowlado kale oo ka mid ah qaaradaha Aasiya iyo Yurub.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here