Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay iskaashiga milateriga

Ankara (Dawan)- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa Turkiga, Yasar Guler kala hadlay xiriirka labada dal ee dhanka milateriga ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa booqasho laba maalin ah ku tegay Ankara, kadib markii uu casuumaad ka helay Guler.

Wariyaha Wakaaladda Anadolu ayaa sheegay in Guler uu maanta oo khamiis ah ku qaabilay dhiggiisa Soomaaliya xaflad rasmi ah oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga.

Labada Wasiir ayaa yeeshay kulan ay albaabada u xiranyihiin oo gaar ah iyo mid kale oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta labada dal, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Anadolu

Ilo xog ogaal ah ayaa ku waramaya in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga dhanka ciidamada ee labada dal iyo hannaanka lagu sameyn karo warshado qaabilsan dhanka difaaca.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xoogeystay tan iyo markii uu Erdogan booqasho ku yimid Muqdisho sannadkii 2011-ka, isaga oo ahaa xilligaas Ra’iisul Wasaare.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada Dhaqaalaha, Waxbarashada, Amniga, Tababarada iyo qalabeynta Ciidanka.

Tan iyo sanadkii 2013-kii, Dowladda Turkigu waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadatay fududeynta wada-hadallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Turkiga waxa uu Muqdisho ka dhistay Safaaradda ugu weyn Afrika iyo Saldhig Ciidan oo ku dhawaad 1,500 oo asgari lagu tababari karo markiiba, waxaana tababar ku qaatay tan iyo markii dhidibada loo taagay in ka badan 5,000 oo ciidamada amniga Soomaaliya ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here