Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo is beddel xoogan ku sameeyneysa hoggaanka safaaradaha

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankoodi toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay 10 Safiir oo ka howlgeli doona qaar kamid ah dalalka Soomaaliya la leh xiriirka Diblumaasiyadeed.

Safiirrada la magacaabay waxa ay kala yihiin:

1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane)
2. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi
3. Cali Cabdi Awaare
4. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf)
5. Bashiir Xasan Xaaji
6. Fathudin Cali Maxamed
7. Xuseen Cabdi Xalane
8. Khadiija Cosoble Cali
9. Khadra A Dualle
10. Ridwan Xirsi Maxamed

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale lagu meelmariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakameynta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa, taas oo lagu xakameynayo dhibaatooyinka ay sababaan hubka iyo qaraxyada sida sharci darrada ah loo adeegsado.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, dib-u-habeynta dhakhliga, xogta heshiisyada dowladda iyo cayaarahii Dowlad Goboleedyada dalka oo dhawaan lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa billaawday dhawaan in ay bedesho qaar ka mid ah safiiradeeda, iyada oo sidoo kale u magacaawday safiiro cusub dalal aysan hore ugu joogin safiiro.

Dalalka ay Soomaaliya u magacaawday safiirada cusub ayaa kala ah, Qatar, Sacuudiga, Morocco, Eretria iyo Kenya.

Tobankaan safiir ee maanta la ansixiyay ayaan weli la shaacin Dowladaha ay ka howl geli doonaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here