Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis dhanka difaaca ah

Ankara (Dawan)- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Turkiga, Yaşar Güler, ayaa kala saxiixday heshiis guud oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa booqasho laba maalin ah ku tegay Ankara, kadib markii uu casuumaad ka helay Güler.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay kawada hadleen arrimo ku saabsan difaaca, amniga labada dal iyo xaaladda Gobolka.

Heshiis Taariikhi ah

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook ku qoray in uu dhiggiisa Turkiga kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal, amniga Gobolka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

” Waxaan wada saxiixaney heshiis taariikhi ah ee Difaaca iyo Dhaqaalaha oo sii xoojin doono amniga Soomaaliya iyo kan Gobolka” ayuu yiri, Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga kaalmada walaalnimo ee hagar la’aaneed ee mar walba Shacabka iyo Dowlada Soomaaliyeed la garab taagantahay.

Dhankiisa Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, ayaa ku tilmaamay xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya mid saaxibtinimo, isaga oo sheegay inuu kulan mira dhal ah la qaatay dhiggiisa Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ay ka go’antahay Dowladda Turkiga sidii ay usii xoojin lahayd iskaashiga dhanka Milliteriga ee labada dal.

“Waxaan ku kalsoonahay in heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee aanu (Khamiistii) saxiixnay in uu wax weyn ka tari doono horumarinta xiriirka ciidan ee labada dal”. ayuu yiri, Yaşar Güler,

Wasiirka ayaa bogaadiyay guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dhismaha ciidanka xoogga dalka, isaga oo tusaale u soo qaatay Guutooyinka “Gorgor” iyo sida ay uga qeyb qaateen amniga iyo xasilinta dalka.

“Anaga Turkey ahaan aad ayaan ugu faaneynaa in aan qeyb ka noqono guusha walaalaheena Soomaaliyeed, waxaana leenahay rabitaan mideysan oo ah in aan sii xoojino kor u qaadista xiriirkeena marxaladda soo socota”. ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xoogeystay tan iyo markii uu Erdogan booqasho ku yimid Muqdisho sannadkii 2011-ka, isaga oo ahaa xilligaas Ra’iisul Wasaare.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada Dhaqaalaha, Waxbarashada, Amniga, Tababarada iyo qalabeynta Ciidanka.

Tan iyo sanadkii 2013-kii, Dowladda Turkigu waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadatay fududeynta wada-hadallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Turkiga waxa uu Muqdisho ka dhistay Safaaradda ugu weyn Afrika iyo Saldhig Ciidan oo ku dhawaad 1,500 oo asgari lagu tababari karo markiiba, waxaana tababar ku qaatay tan iyo markii dhidibada loo taagay in ka badan 5,000 oo ciidamada amniga Soomaaliya ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here