Friday, July 26, 2024

Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo wax soo saarka Beeraha

Jig-jiga (Dawan)- Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa xoogga la saaray sidii isbeddelku uga dhacay horumarinta adeegyada kala duwan, ka faa’iideysiga kheyraadka dhulka gaar ahaan wax soo saarka Beeraha.

Sannadkaan gudihiisa waxaa la beeray dhul gaaraya 770,832 Hiktaar, waxaana kasoo go’ay 23.2 milyan oo kiintaal oo ah dalagyo kala duwan ah.

Xukuumaddu Dowlad Deegaanku waxa ay Beeralayada u qeybiyay 45,650 kiintaal oo abuur ah, 60 cagaf iyo agab kale oo ay u isticmaalaan beerista iyo wax soo saarka.
Beeralayda Gobolada Faafan, Shabeele, Sitti, Afdheer iyo Liibaan waxa ay ku guuleysteen in ay Qamadiga ku beeraan dhul gaaraya 10,940 Hiktaar , halka 100 Hiktaar lagu beeray khudaarta nuucyadeeda kala duwan.

Dadaalka la geliyay Beeraha waxaa ka dhashay in degmooyinku yeeshaan wax soo saar, waxeyna Beeralayda degmooyinka Tull-guuleed, Haroorays iyo Awbarre, iib geeyeen Qamadi dhan 13,236 kiintaal.
Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa hirgelisay afar mashruuc oo dhanka waraabka, waxaana hadda meel gabo-gabo ah maraya shan kale oo laga fulinyo Doolo-ado, Harawo, Yaxoob, Jarati iyo Guradhaamoole.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday xafiiska u qaabilsan Dowlad Deegaanka Soomaalida dhanka warbaahinta, Gobolka Faafan ayaa hormuud ka ah dhanka wax soo saarka Beeraha, iyada oo loogu baaqay Gobollada kale in ay ku daydaan kana faa’iideystaan kheyraadka dhulkooda.

Guud ahaan dhulka la beeri karo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa lagu qiyaasaa ilaa 10 milyan oo hiktaar, waxaana laga soo saari kara dalagayda kala duwan.

Qaa ka mid ah Qurba joogta Dowlad Deegaanaka Soomaalida ayaa billaabay in ay dib ugu soo laabtaan dhulkooda kuna sameeyaan maalgashi.

Ardo Cabdi Maxamed, waxa ay ka mid tahay Qurba joogta kasoo jeeda degmada Fiiq, waxayna hirgelisay mashruuc dhanka Beeraha.

Beerta ay maalgashiga ku sameysay Ardo, ayaa lagu beerayaa nuucyada kala duwan ee miraha sida Galleeyda iyo Yaanyada.

Mashruuucaan waxaa la rajeenayaa in lasii ballaariyo sida ay sheegeen maamulka degmada.

Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa bishii September qabatay shirweynaha wadatashiga xukuumada iyo Qurbo-joogta kaas oo looga hadlay sidii ay Qurba- joogtu kaalinta kaga aadan uga qaadan lahayd fursadaha maalgashiga ee deegaanka ka bannaan iyo horumarada kala duwan ee ka socda deegaanka, iyada oo xoogga la saarayo qaybaha muhiimka ah sida waxbarashada, shaqo abuurka, beeraha, xoolaha, warshadaha iyo ka faa’iidaysiga soo saaridda khayraadka dabiiciga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here