Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo ka codsatay Nigeria dib u dhiska caasimadda Muqdisho

Abuja (Dawan)- Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria ayaa ka codsatay Wasiirka Arrimaha Federaalka iyo Caasimadaha Nigeria Nyesom Wike in laga taageero dhismaha Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Kulanka ay wada qaateen Safiir Jamaal Maxamed Barroow iyo Nyesom Wike ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga xiriirka ka dhaxeeya labada dal, dib u dhiska Safaaradda Soomaaliya ee Abuja iyo in Dowladda Nigeria ay Soomaaliya ku caawiso khibradda ay u leedahay dhisidda Magaalooyinka waaweyn.

Safiirka ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya u danayneyso in ay ka faa’iideysato khibrada Nigeria si Caasimadda Muqdisho loo dhiso qaab casri ah oo la jaan qaadi kara Caasimadaha dunida.

“Nigeria waxa ay noo tahay tusaale waayo waxa aan soo wada marnay dagaal sokeeye, waxaan rajeynaya inaan uga dayano kasoo kabashada colaadaha gaar ahaan dib u dhiska Caasimadda Muqdisho” ayuu yiri, Safiir Jamaal.

Nyesom Wike ayaa dhankiisa xaqiijisay sida ay Nigeria diyaar ugu tahay in si wanaasgan ula shaqeyso Ergooyinka dalalka kale isaga oo ballan qaaday ansixinta codsiga ay Soomaaliya ku dooneyso in ay ku dhisato xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Abuja.

“Waxaan shaqada u heynaa inaan wax la qabano diblomaasiyiinta martida noo ah. Wax kasta oo aad uga baahataan dhankeena haka waabanina ee toos noo weydiiya” ayuu yiri Wike.

Wike, ayaa soo hadal qaaday taariikhda colaadeed ee ay labada dal soo wada mareen, isaga oo ballan qaaday inay diyaar u yihiin la wadaagidda khibraddooda dhanka horumarinta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wasiirka ayaa yiri: “Muqdisho waa magaalo caasimad u ah Soomaaliya, , waxaan jeclaa lahayn inaan soo aragno sida ay u egtahay kadib waa inaan ka shaqeynaa sidii aan uga taageeri lahayn khibraddeena dhinaca horumarinta Magaalooyinka”.

Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Abuja ee dalka Nigeria, ayaa ka mid ah xafiisaydii diblomaasiyadeed ee la billawday Dowladniamda Soomaaliya 1960-meeyadi balse waxa ay xirantay kadib burburkii Dowladdii Dhexe.
Safaaradda ayaa dib u billawday howlaheeda Nigeria sannadkii 2020 kaddib markii loo magacaabay Jamaal Maxamed Barrow inuu noqdo madaxa cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Abuja.

Dowladda Nigeria ayaa ka mid ah dalalka ay Ciidamada Nabad Ilaalinta ka joogaan Soomaaliya iyada oo uga qeyb qaadata Ciidamada Booliska ee qeybta ka ah Howlgalka ATMIS.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here