Saturday, July 27, 2024

Doorashada guud ee Koonfur Afrika oo loo dareeray

Cape Town (Dawan)- Muwaadiniinta Koonfur Afrika ayaa maanta oo Arbaca ah u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan xubnaha ku meteli doona Golaha Baarlamaanka, iyada oo ay doorashadan kusoo beegmayso 30 sano kadib markii ay dadka dalkaas soo afjareen nidaamkii midab-takoorka.

Sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas, 27 milyan oo qof ayaa xaq u leh inay ka qayb qaataan codeynta kuwaas oo dooran doona 400 oo wakiil, oo iyaguna sii dooran doona madaxweynaha xiga ee dalka.

Ku dhawaad ​​50 xisbi ayaa ku tartamaya doorashadan, iyadoo ra’yi ururin la sameeyay ay muujisay in xisbiga talada haya ee African National Congress Party uu lumin doono aqlabiyadda baarlamaanka, isla markaana uu ku qasbanaa doono inuu sameeyo xulafaysi.

Dhanka kale, xisbiga mucaaradka ah ee “Economic Freedom Fighters” ayaa dadaal ugu jira inuu ka faa’iidaysto carada ay dadka saboolka ah u qabaan siyaasiyiinta iyo xisbiga soo hoggaaminayay Konfur Afrika soddonkii sano ee lasoo dhaafay.

Goobaha codbixinta ayaa la furmay 5 subaxnimo waxaana la xiri doona 19:00 xilliga caalamiga ah. Tirada diiwaan gasahn in ay codeeyso ayaa gaareysa 27 milyan oo qof, iyada oo dadweynaha dalkaas lagu qiyaaso ku dhawaad 62 milyan.

Guddiga doorashada ayaa la filayaa in saacadaha soo socda billaabaan soo saarista natiijada qayb ka mid ah goobaha cod bixinta, waxayna heystaan ​​toddobo maalmood si ay ugu dhawaaqaan natiijada kama dambaysta ah.

Xildhibaanada lasoo doorto ayaa looga fadhiya in ay muddo 14 maalmood ah ku doortaan madaxweyne kuna soo dhisaan xukuumad cusub.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here