Saturday, July 27, 2024

Faahfaahinta Qaraxa Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Dawan)- Laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayey ciidamada dowladdu saaka aroortii hore ku qarxiyeen bar koontarool oo ku taalla duleedka Dhuusamareeb oo xarun u ah Galmudug, madtooyo kumeel gaar ahna u ah madaxweynaha Soomaaliya.
Laba gaari oo nooca LandCrueser ka ah oo ay deegaanada looga yaqaano Leyla Calaawi, islamarkaana laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay bar koontarool ay ciidamda dowladdu ku leeyihiin Tullo Qodax oo qiyaastii 3 Kiiloomitir dhanka Guraceel ka xigta Dhuusamareeb.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaan iyo ila ka tirsan ciidamada, gaariga koobaad ayaa ku dhacay Gaari ciidamada leeyihiin oo jidka lagu gooyay si loo hakiyo gaariga walxaha qarxa siday, halka gaariga labaad uu qarxay kadib markey ciidamadu u adeegsadeen rasaasta lidka gaadiidka gaashaaman.
Tirada dhimashada cid dhexdhexaad ah oo xaqiijisay ma jirto, balse dowladdu waxa ay warisay in 6 kamid ah dagaalyahannada weerarka soo qaaday ay dhinteen, halka laba askari ay ka dhaawacmeen ciidamada Dowladda.
Al-shabaab ayaa dhankooda sheegtay masuuliyadda weerarka iyaga oo wariyay in weerarku ka dhacay Dhuusamareeb, ujeedka weerarka ayey ku sheegeen inuu ahaa madaxtooyada. Wax faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin
Dhuusamareeb waxaa muddo ka badan 2 bil xarun u tahay madaxweynaha Soomaaliya oo hoggaaminaya dagaal ay dowladdu kula jirto Al-shabaab oo xooggiisu uu ka socdo deegaananda Galmudug.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here