Saturday, July 27, 2024

Caa’isha Maxamed oo markale laga dhigay wasiirka difaaca Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa golohiisa waasiirada ku sameeyay isku shaandheyn kooban isaga oo isku bedelay wasiirada Gaashaandhigga iyo Waraabka.

Caa’isha Maxamed ayaa laga dhigay wasiiraka Gaashaandhigga ee Itoobiya halka Wasiirkii hore ee wasaaradda Gaashaandhigga Abraham Belay loo magacaabay Wasiirka Waraabka.

Magacaabista kale ee uu sameeyay Abiy Axmed, waxaa ka mid ah Maxamed Indris, oo xilka agaasimaha guud ee xafiiska qurba-joogta Itoobiya soo ahaa tan iyo Agoosto 2022, haddana loo magacaabay wasiiru-dowlaha xarunta isku xidhka dimoqraadiyadda.

Sida laga soo xigtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, magacaabiddan ayaa dhaqan galeysa 21-ka May 2024, inkasta oo aan la sheegin sababta keentay isku shaandheynta.

Caa’isha Maxamed waxay ahayd haweeneydii ugu horreysay ee Abiy Axmed u magacaabay wasiirka Gaashaandhigga bishii October 2018, markaas oo uu ku dhawaaqay in 50% uu ka dhigayo haween golaha wasiirrada.

Waxa ay xilkaas haysay wax ka yar hal sano iyo bar ka hor inta aysan u wareegsan Wasaaradda Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha April 2019, waxa ay sidoo kale ahayd wasiirkii dalxiiska iyo dhaqanka ee xiligii Ra’uusl wasaare Hailemariam Desalegn.

Sannadkii 2018-kii, waxaa loo doortay inay noqoto Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Canfarta (ANDP) ka hor inta aan la kala dirin xisbiga kadibna waxa ay ku biirtay xisbiga talada haya ee Prosperity Party (PP).

Dhanka akle, Abraham Belay, oo ah qofka kaliya ee ka soo jeeda Tigrayga ee ka tirsan golaha wasiirada ee Abiy Axmed , waxa uu si ku meel gaar ah u soo noqday madaxweynaha Dowlad Deegaanka Tigray intii u dhaxaysay May iyo June 2021.

Ka dib waxaa bishii October ee isla sanadkaas loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo xilkaasi hayay illaa iyo hadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here