Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo laga cafiyay deyn gaareysa $4.5 Billion

New York (Dawan)- Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka (IDA) ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ka gadubtay shuruuudihii deynta cafinta iyada oo ku guulesatay in ay gaarto Barta deyn cafinta.

Go’aankaan taariikhiga ah ayaa Soomaaliya u keenaya deyn cafis xoogan oo gaareysa US$4.5 bilyan, taas oo si weyn hoos ugu dhigtay deynta dibadda oo ahayd 64% 2018 hadana ah 6%

Cafinta deynta waxaa laga helay deyn bixiyayaal kala duwan, oo ay ku jiraan Sanduuqa Lacagta Adduunka (US$343.2 milyan), Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka (US$448.5 milyan), Sanduuqa Horumarinta Afrika (US$131.0 milyan), deyn bixiyayaasha kale oo isku jira (US$573.1 milyan), deymaha laba geesoodka iyo ganacsi (US$3.0 bilyan).

Dadaalkaan wadajirka ah ayaa hoosta ka xariiqaya sida ay uga go’an tahay caalamka in lagu caawiyo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in guushaan ay ku timid natiijada dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay sharciyada nidaamyada hay’adaha maaliyadda, maamulka iyo siyaasadada dalka.

Sidoo kale, Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, ayaa iftiimiyay safarka dheer ee loo soo maray dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo hay’adaha maaliyadda iyada oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah, wuxuuna xusay in dib-u-habayntu horseedday kororka dakhliga gudaha, xoojinta maamulka maaliyadda iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha xukuumadda.

Jihad Azour, oo ah Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ee Bariga Dhexe iyo Bartamaha Aasiya, ayaa bogaadiyay tillaabooyinka ay Soomaaliya qaaday si ay dib u dhis ugu samayso hay’adaha maaliyadda isaga oo caddeeyay in go’aanka deynta looga cafiyay uu ka marqaati kacayo dadaalladii ay Soomaaliya ku bixisay sidii loo gaari lahaa guushaan taariikhiga ah.

Dhankeeda Victoria Kwakwa, oo ah Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, ayaa sidoo kale ku ammaantay Soomaaliya inay gaartay heerkan taariikhiga ah iyo hirgelinta dib-u-habeyn lagu taageerayo koritaanka iyo dhimista faqriga.

Go’aanka deyn cafinta Soomaaliya ayaa kusoo beegmeya iyada oo isla bishaan ay Soomaaliya ka mira dhalisay ku biirsita Ururka Bulshada Bariga Africa iyo go’aankii uu Golaha Amnigu ku qaaday cunaqateyntii hubka ee saarneed Soomaaliya in ka badan 30 sano.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here