Saturday, July 27, 2024

Cilmi-baaris: Kenyaaanka oo walaac ka muujiyay dhaqaala xumada dalka

Nairobi (Dawan)- Ra’yi uruurin ay sameysay shirkadda Cilmi-baarista ee TIFA ayaa lagu ogaaday in 84% dadweynaha dalka Kenya ay dareemayaan in xaaladda dhaqaale ee waddanka ay ka xun tahay sannadkii hore.

Boqolkiiba 8 dadka Kenya waxa ay qabaan in dhaqaalaha dalka uu hadda la mid yahay sannadkii hore ee 2022-kii halka boqolkiiba 7 ay aaminsan yihiin in dhaqaalaha uu hadda ka wanaagsan yahay sannadkii hore, balse aqlabiyadda dadka oo ka badan 85% ayaa sheegay
inay yareeyeen qarashaadkii uga bixi jiray howlahooda shakhsiyeed si ay u waafajiyaan qiimaha maciishadda .
Waxay tusaale u soo qaateen in hadda aynan sidii hore lacago ugu bixin gaadiidka , iibsashada dharka iyo madadaallada.
Inkasta oo dadka la wareystay ay xukuumaadda Madaxweyne William Ruto ku bogaadiyeen badbaadinta keymaha , taageeridda beeralayda , xakameynta wasaqeynta deegaanka, xoojinta maalgashiga iyo dalxiiska hadana waxa ay ku dhaliileen in aan wax weyn laga qaban yareynta deymaha shisheeye , ku tiirsanaanta deeqaha maaliyadeed , musuqmaasuqa , shaqo abuurka iyo hoos u dhigidda qiimaha sarreeya ee maciishadda.

39% dadka la weydiiyay su’aalaha waxa ay sheegeen in caqabadda ugu weyn ay tahay sicir bararka iyo qiimaha maciishadda, 15% ayaa aaminsan in musuq-maasuqa dhib ku hayo dalka.

Dr .Tom Wolf oo ah Cilmi-baare sare kana ka tirsan shirkadda TIFA ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Nairobi ka sheegay in Cilmi-baaristaan lagu sameeyay qaab taleefoon ah laga soo billaabo 25-kii bishii November ilaa 7-dii bishaan December, iyada oo ay ka qeyb qaateen dad gaaraya 3,009 ruux.

Wasaaradda Maaliyadda Kenya ayaa sheegtay in deynta lagu leeyahay dalka ay gaareyso ilaa 66 bilyan oo dollar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here