Saturday, July 27, 2024

Jabuuti oo xoojineysa xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee dunida

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay 6 safiir oo cusub kuwaas oo ka howl geli doona Jabuuti.

Safiirada cusub ayaa kala ah George Macgoye, Safiirka Jamhuuriyadda Kenya, Maaes Ennio, Safiirka Jamhuuriyadda Ivory Coast, Hassane Maïdawa Amadou, Safiirka Jamhuuriyadda Niger, Guillermo Antonio Lopez Mac-Lellan, Safiirka Boqortooyada Spain. Kosina Kankanamalage Kumarasiri, Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Hantiwadaaga ee Sri Lanka iyo Rodrigo Eduardo Guzman, Safiirka Jamhuuriyadda Chile.

Safiiradu waxay ay salaan ay ka sideen Hoggaamiyayaasha dalalkooda la wadaageen Madaxweyne Geelle, waxeyna ballan qaadeen in ay ka shaqeyn doonaan xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Dowladda Jabuuti.

Safiirka Kenya George Macgoye ayaa ka sheekeeyay qiyamka iyo himilooyinka ay wadaagaan Jabuuti iyo Kenya, taasoo keentay in la xoojiyo xiriirka dhinacyada kala duwan ee istiraatiijiga ah, isaga oo tusaale usoo qaatay Guddigii Wadajirka ahaa ee dhawaan la magacaabay iyo sida ay uga go’an tahay hirgelinta qorshaha hor tebinta u leh kor u qaadida horumaka iyo xiriirka labada dal.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay magacaabista Safiiradaan u leedahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Jabuuti kala dhaxeeya dalalka dunida, wuxuuna u rajeeyay Safiirada cusub in sida ugu wanaagsan u gutaan shaqadooda.

Dowladda Jabuuti ayaa dadaal badan ku bixisay adkaynta xiriirka saaxibtnimo ee kala dhaxeeya dalalka dunida, waxayna inta baan diiradda saartaa iskaashiga dhanka ganacsiga, maalgashiga, nabadda iyo xasiloonida.

Jabuuti waxa ay si firfircoon uga qayb qaadataa dadaallada nabadda iyo amniga Gobolka Geeska Afrika iyada oo sidoo kale aad ugu ololeysa xoojinta iskaashiga dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ee dallaka Bariga Afrika.

Jabuuti waa dal yar oo dhaca Geeska Afrika ayna ku noolyihiin 1.1 milyan oo qof, kaas oo xornimada ka qaatay gumeystihii Faransiiska 1977.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here