Wednesday, May 8, 2024

Soomaaliya oo xirtay qunsuliyadaha Itoobiya ee Garoowe iyo Hargeysa

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan lagu xirayo qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, iyada oo sidoo kale la faray shaqaalaha ka howl gala in ay muddo todobaad ah uga baxaan dalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa loo xilsaaray in ay safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ku wargeliso in uu dalkiisa la tashi ugu laabto.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa hal maalin kadib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ay sheegtay in ay Maamulka Puntland ee Soomaaliya kula heshiisay kor u qaadida iskaashiga iyo xiriirka labada dhinac.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda, Danjire Mesganu Arga ayaa shalay qaabilay wafdi heer heer wasiir ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamed , iyada oo labada dhinac ay isla meel dhigeen dardargelinta fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.

Halkaan hoose ka akhriso qodobada ay Golaha Wasiirada Soomaaliya kasoo saareen arrintaan:

XIRITAANKA QUNSULIYADAHA ITOOBIYA

  1. Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.
  2. Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.

XADGUDUBYADA

  1. Diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkaan waxa ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana laga qaadayaa tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka.

DHAQANGALKA

  1. Wasaarada arrimaha dibedda waxaa la farayaa in ay qaraarkan si rasmi ah u gaarsiiso dawladda Itoobiya, kuna wargeliso Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in uu dalkiisa la tashi ugu laabto.
  2. Qaraarkaan waxa uu dhaqangelayaa marka ay ansixiyaan Golaha Wasiirada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uuna saxiixo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here