Saturday, July 27, 2024

Suudaan: in ka badan 6 malyan oo ka qaxay guryahooda

Khartoum (Dawan)- Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa ku dhawaaqday in in ka badan 6.3 milyan oo Suudaan ah ay ka qaxeen guryahoodii, iyaga oo ka cararaya dagaalka u dhexeeya ciidammada Suudaan iyo ciidammada kale ee kasoo horjeeda ee loo yaqaano (RSF) tan iyo bartamihii bishii Abriil.

Warbixinta Hay’adda ayaa lagu sheegay in dagaallada socda ay si ba’an u saameeyaan dadka rayidka ah, iyada oo la soo warinayo xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida barakicin qasab ah iyo dilal.

Warbixintu waxa ay xustay in 4,955,538 qof ay ku barakaceen 5,312 goobood oo ku yaal dhammaan gobollada dalka Suudaan.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sidoo kale tilmaamtay tan iyo markii uu dagaalku dillaacay in 1,373,223 qof ay u qaxeen dalalka deriska ah, ee kala ah Chad, Koonfurta Suudaan, iyo Masar.

Tan iyo bartamihii bishii April 2023, ciidamada Suudaan iyo xoogaga kasoo horjeeda ayaa isaga hor yimid dhowr magaalo oo dalkaas ah, waxaana ku dhintay dagaalka in ka badan 9,000 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Waxaa dhowr jeer la sameeyay dadaallo lagu joojinayo dagaalka inkasta oo aan lagu guuleysanin xabbad joojin dhab ah.

Dhawaan waxa ay IGAD sheegtay in labada dhinac ay ogolaadeen in fursad la siiyo howlaha gurmadka gargaarka bini aadanimo, iyada uu jiro qorshe ah in wad hadal fool ka fool ah uu ku dhax maro labada dhinac magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here