Saturday, July 27, 2024

Abiy Axmed iyo Al-Burhaan oo kawada hadlay xiisadda Suudaan

Addis Ababa (Dawan )- Madaxa Golaha hoggaamiya dalka Suudaan, Cabdifataax Al-Burhaan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa kawada hadlay dagaalka ka taagan dalkaas iyo saamaynta uu ku yeeshay nolosha muwaadiniinta Suudaan iyo guud ahaan xasiloonida Geeska Afrika.

Arrintaan ayaa timid kadib markii uu Al-Burhaan booqasho aan la shaacin inta ay qaadan doonto ku tegay Addis Ababa, tan iyo markii uu dagaalka dalkaas billaawday bartamihii bishii April.

Al-Burhaan ayaa sidoo kale booqasho kusoo maray dalka Kenya.

Madaxda Suudaan iyo Itoobiya waxa ay kawada xaajoodeen saamaynta qalalaasaha ka jira Suudaan iyo dhibaatooyinka uu dhaliyay ee xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Al-Burhaan ayaa caddeeyay mowqifka dowladda Suudaan ee ah in ay taageereyso tillaabo kasta oo xal loogu heli karo dagaalka Suudaan.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa hoosta ka xariiqay in dalkiisu diyaar u yahay inuu kaalin weyn ka qaato sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabbaali lahaa Suudaan.

Dhinaca kale, Al-Burhaan ayaa Addis Ababa kula kulmay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki, waxeyna kawada hadleen xaaladda Suudaan iyo dadaallada lagu doonayo in lagu xalliyo qalalaasaha dalkaas, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Al-Burhaan.

Tan iyo bartamihii bishii April 2023, ciidamada Suudaan iyo xoogaga kasoo horjeeda ee loo yaqaano  (RSF)  waxaa ka dhaxeeyay dagaal ay ku dhinteen in ka badan 9,000 oo qof, sidoo kalena ay ku barakaceen in ka badan 6 milyan kuwaas oo u qaxay gudaha iyo dibadda dalka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Socdaalka Adduunka waxaa lagu sheegay in 4,955,538 qof ay ku barakaceen 5,312 goobood oo ku yaal dhammaan gobollada dalka Suudaan.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sidoo kale tilmaamtay tan iyo markii uu dagaalku dillaacay in 1,373,223 qof ay u qaxeen dalalka deriska ah, ee kala ah Chad, Koonfurta Suudaan, iyo Masar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here