Saturday, July 27, 2024

Talooyin ku socda Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Siyaasiyiinta

Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray, wasiirkii hore ee amniga, xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale

Waxaan halkan ku soo gudbinayaa xilligaan xasaasiga ah talooyin muhiim ah oo ku saabsan Xaaladda dalka, kuwaas oo toos ugu socda dhinacyada aan kor kusoo sheegay, waxaan ku bilaabayaa:

FARRIINTA KOOWAAD: MADAXWEYNE XASAN SHEEKH

Mudane Madaxweyne sida aad hore u sheegtay waxaad tahay mas’uul laba jeer Madaxweyne dalkaan ka noqday oo darajo aysan u harsaneyn, haddana doonaya inuu dalka iyo dadka uga tago taariikh.

Waxaa ku hor yaallaa howlo Qaran oo ay ugu muhiimsan yihiin: Dagaalka Alshabaab oo aad bilowday, Dhammeystirka Dastuurka KMG ah, Deyn cafinta, sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabateynta Hubka, iyo Xoojinta Hay’adaha Dowladnimada.

Adigoo ku mahadsan dagaalka Alshabaab ee aad dadaalka gelisay, waa inaad dhammeystirtaa oo horseed u noqotaa in cadawgaas dalka laga xoreeyo oo aanu nala dhaafin muddo xileedkaan.

Dhammeystirka Dastuurka oo muddo dheer aan lagu guuleysan, waa inaad Madaxweynow u wajahdaa Danta guud ee Qaranka darteed, kana ilaalisaa dano gaara ah. Wax ka bedelka Dastuurka, Qaab dhismeedka dowladda iyo doorasho guud waa arrimo Qaran oo ka weyn rabitaanka Madaxweyne markaas xilka jooga”.

Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh kula talinayaa inuu dhammeystirka Dastuurka iyo wax ka bedelkiisa daacad ka noqdo.

FARRIINTA LABAAD: SIYAASIYIINTA

Farriinteyda Qaran ee labaad waxay ku socotaa Madaxdii hore ee dalka, Mas’uuuliyiinta xilalka soo qabtay iyo Siyaasi kasta oo doonaya inuu qabto xilalka dalka ugu sarreeya ee hadda ka horjeeda qaabka ay hadda wax u socdaan.

Walaalayaal, Madaxweyne kasta ama mas’uul kasta wuxuu qeyb ka ahaa Geediga dowlad dhiska dalka ee weli socda, wuxuuna fursad u helay inuu dalka wax ka hoggaamiyo, balse nasiib darro wuxuu ka tegay iyadoo Dowladnimada Soomaaliya weli cagaheeda isku taagin.

Mas’uulkasta oo hore xil usoo qabtay wuxuu isku dayay, dadaalna u galay inuu isbedel ka sameeyo dhinacyada Amniga, Doorashooyinka, Dastuurka iyo dhinacyo kale oo badan, laakiin waxaa xaqiiqo ah in mar kasta Maamul Goboleedyo ama Siyaasiyiin ay mucaarad ku ahaayeen.

“Waxaa nasiib darro, waxaa caado noqotay Mas’uul kasta inuu mucaarad ku noqdo Madaxda ka danbeysa xitaa haddii ay wadaan isla qorshihii uu isagu hore u doonayey inuu hirgeliyo markii uu xilka hayey, ujeedkiisuna yahay oo kaliya inuusan guuleysan madaxweynaha markaas joogo, taas oo siyaasadda Soomaaliya ka dhigtay natiijo la’aan lugaha la is wada heysto”.

Saaxiibayaal aan wax isu ogolaano, dalkana u turno, cid kastoo talada heysana aan u siino fursad ay dalka hore ugu wado iyadoo laga fiirinaayo danta guud ee Qaran darteed. Dowladnimadana waa qori isu dhiib qofka shaley joogey maanta ma joogo, midka maanta joogana Berri ma joogi doono.

FARRIINTA SADDEXAAD: BAARLAMAANKA

Farriinteyda Saddexaad waxay ku socotaa Saaxiibadey Mudanayaasha Baarlamaanka Labada ee Gole BFS.

Walaalayaal, waxaan metelnaa codka shacabka, haddana xaalad kasta oo siyaasadeed iyo muddo xileed kasta, waxaan la kala safannaa dhinacyada iska soo horjeeda ee ajendayaasha kala duwan leh.

Waxaa iga talo ah inaan u midowno danteena guud, raacno tilmaamaha Dastuurka Qodobadda 136, 137, marka laga hadlayo wax ka beddelka iyo dhammeystirka Dastuurka KMG.

“Haddii la helo Mudanayaal xilku dhibayo oo Danta Guud kaliya ka shaqeynaya, waan hubaa inaan dalka ka gudbin karno xaaladda uu ku jiro”.

Xildhibaannada waxaa fashil ugu filan in Baarlamaanka 11-aad uu waqtigiisa dhammaado iyada oo Dastuurkii KMG ahaa ee lagu dhisay Baarlamaankii 9-aad aanu dhammaan.

Mar kale Mudanayaal aan u midowno Danaha Dalka iyo Dadka Dartood, una shaqeyno si aan uga qeyb qaadano horumarinta dowladnimada.

UGU DAMBEYN

Mudanayaasha BFS waxaan usoo jeedinaaya inaan u istaagno gurmadka loo sameynayo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay fatahaadaha ELNINO.

Gurmadka shacabka waxaay waajib ku tahay qof walbo oo Soomaali ah oo ay ugu horeeyan Xukumada iyo mudanayaasha Labada Gole.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here