Saturday, July 27, 2024

Booliska Wajeer oo  qabtay ajaanib si sharci darro ah ugu socotay Nairobi

Wajeer (Dawan)- Ciidamda Booliska ee Ismaamul Wajeer ayaa gacanta kusoo dhiagy subaxnimadii maanta oo Jimca ah, ajaanib si sharci darro ah ugu socotay maagalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Booliska aaya sheegay in ajaanibtaan oo ay tiradoodu gaareyso ilaa 63 qofood in ay kasoo jeedaan dalka Eretria, waxaana laga soo qabtay deegaanka lagu magacaabo Leheley.

Laamaha dembi baarista ayaa ku billaabay dadkaan lasoo qabtay baaritaano kala duwan, inkasta oo aan ilaa iyo hadda laga soo saarin warbixin dhameystiran.

Maxkamadda Wajeer ayaa dhegeysiga dacwadooda u mudeysy 8-da bishaan December, waxeyna kusii jiri doonaan Saldhigga Booliska Wajeer.

63-da qof ee lasoo qabtay aya lagu celin doona xeryaha qaxootiga marka ay dacwadoodu dhamaato, sida uu dhigayo sharciga dalka Kenya.

Dalka Kenya aya ah dalka shanaad ee martigeliya qaxootiga ugu badan Afrika iyo dalka seddex iyo tobnaad ee adduunka iyada oo in ka badan 577,000 oo qaxooti iyo dad magangelyo-doon ah la diiwaangeliyay laga soo billaabo dhammaadka Febraayo 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here