Saturday, July 27, 2024

George Galloway… codkii Falastiin oo kusoo laabtay Baarlamaanka UK

London (Dawan)- Siyaasiga garabka bidix ee ku caan baxay diidmada dagaalada iyo taageeridda Shacabka Falastiin, George Galloway ayaa loo doortay Jimcihii (March 1, 2024) inuu ka mid noqdo Baarlamaanka UK.

George Galloway ayaa ololihiisa uga faa’iideystay dagaalka ay Israel ka waddo Marinka Gaza, waxaana laga soo doortay Magaalada Rochdale oo Muslimiintu gaarayaan 30% isaga oo helay codad dhan 6,000

Galloway (69 jir) ayaa markii ugu horeysay ku guuleystey xubinimada Baarlamaanka UK sannadkii 1987, waxaana uu ku laaban doonaa Baarlamaanka markii ugu horeysay tan iyo 2015.

George Galloway waxa uu ku dhashay August 16, 1954 Magaalada Dundee oo ku taal xeebta Waqooyi-Bari ee Scotland, waxa uuna kasoo jeeda qoys sabool ah.

Qoyska hooyadii waxay ahaayeen muhaajiriin Irish ah,qoyska aabihiisna waxay ahaayeen beeraley Scottish ah.

Isaga oo 13 jir ah ayuu ku biiray xisbiga Shaqaalaha ee Ingiriiska, iyada oo loo doortay Guddoomiyaha xisbiga Shaqaalaha ee Scotland sannadkii 1981-kii, wakhtigaas oo uu xisbigu awood badan ku lahaa kuraastii Baarlamaanka.

Ololihiisa doorashada, George Galloway waxa uu diiradda saaray sidii loo joojin lahaa dagaalka Gaza, isaga oo wacad ku maray inuu u ruxi doono gidaarada Hoolka Baarlamaanka Falastiin darteed.

George Galloway ayaa marar badan, ka hor yimid siyaasadda dalkiisa ee ku aadan dagaalada iyo qaddiyadda Falastiin, taasoo ka dhigtay inuu noqdo shaqsi gudaha UK iyo Caalamka ka dhaliya hadal heyn badan.

30-kii August 2014, koox ka careysan hadal uu ku taageeray Falastiin ayaa weerartay isaga oo ahaa xubin ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, waxeyna u geysteen dhaawac culus.

Galloway ayaa hadda ka hor abaabulay kolonyo gargaar caalami ah, isago geeyay Magaalada Gaza sannadkii 2016-kii, kadibna waxaa la guddoonsiiyay dhalashada Falastiin.

George Galloway ayaa in ka badan 30 sano ku qaatay qorista maqaallada, buugaagta iyo ka qeyb qaadashada barnaamijyo caan ahaa oo ka bixi jiray raadiyaasha iyo telefishinada.

Waxa uu wax ku qori jiray, Wargeysyo caan ah sida The Spectator, The Sunday Times iyo The Guardian

George Galloway ayaa sidoo kale qoray dhowr buug oo ay ka mid yihiin, Downfall – the Ceausescus and the Romanian Revolution, I’m Not the Only One iyo Open Season.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here