Saturday, July 27, 2024

Texas oo ku hanjabtay inay ka go’ayso Mareykanka

Texas (Dawan)- Waxaa cirka isku sii shareeray khilaafka u dhaxeeya Gobolka Texas iyo Dowladda Federaalka ee Mareykanka kadib markii la isku fahmi waaayay maareynta tahriibayaasha iyo maamulka xuduudaha.

Texas waxa ay ku taal Koonfur Galbeed ee Mareykanka, waa Gobolka labaad ee ugu weyn kadib Alaska, iyo kan ugu dadka badan kadib California, waxaana lagu naaneysa Gobolka “Lone Star”, taas oo muujineysa inuu ahaa Gobol madax bannaan.

Texas waxay ka mid ahaan jirtay Mexico muddadii u dhaxaysay 1821 ilaa 1836, markii ay ku dhawaaqday madax bannaanideeda, waxaa aqoonsaday Mareykanka , iyo waddama Yurub ah sida Ingiriiska iyo Faransiiska, ilaa uu ku biiro Mareykanka 1845.

Maanta, Gobolka Texas waa uu xarun u yahay dhowr shirkadood oo waaweyn, sida ExxonMobil, AT&T, iyo Dell.

Khilaafkan ka dhex qarxay Dowladda Hoose ee Gobolka Texas iyo Dowladda Federaalka, ayaa la xiriira dhibaatooyinka soogalootiga iyo tallaabooyinka lagu sugayo amniga xuduudaha, iyadoo Maxkamadda Sare ee Mareykanku ay Isniintii lasoo dhaafay xukuntay inay si ku meel gaar ah loo hakiyo go’aan ay soo saartay Maxkamadda Rafcaanka ee heer federaal bishii December ee la soo dhaafay.

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa amar ku siiyay ciidamada federaalka ee ilaalada xuduudaha inay joojiyaan siliga uu Maamulka Gobolka Texas ku gooyay xuduuddda, si looga hortago soogalootiga aan sharciga ahayn ee kasoo gudbaya xadka ay la wadaagaan Mexico.

Maxkamadda sare ee Federaalka ayaa sheegtay in xakameynta xuduudaha dalka ay tahay arrin Federaal oo aysan go’aan ka gaari karin Maxkamadda Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Texas ee ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, Greg Abbott ayaa sheegay in Gobolkiisu uu wajahayo “duulaan”, isaga oo ka horyimid go’aanka Maxkamadda, waxa uuna bartiisa X kusoo qoray ” Texas waxay sii wadi doontaa inay adeegsato xuquuqdeeda dastuuriga ah si ay u ilaaliso una difaacdo xudduudkeeda Koonfureed.”

Greg Abbott ayaa taageero xooggan ka helay Guddoomiyayaasha 25 Gobol kadib markii ay soo saareen war-saxaafadeed wada jir ah iyaga oo ballan qaaday in ay garab siinayaan Texas si ay isku difaacdo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here