Saturday, July 27, 2024

Tirada dadka ku dhintay fatahaada Kenya oo korortay

Nairobi (Dawan)- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay korortay tirada dadka ku dhintay fataahada ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee ka da’aya Gobollada kala duwan ee dalka.

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in 76 qof ay ku dhinteen fatahaadaha halka ay ku barakaceen in ka badan 5,000 qoys oo inta badan ku nool Gobollada Waqooyi ee dalka.

Iyada oo laga jawaabayo saameynta ka dhalatay fatahaadaha ayay xukuumaaddu ku dhawaaqday in loo qoondeeyay 7 bilyan oo shilin ($46 milyan) oo loogu talagalay gurmadka bini’aadantinimo ee wax loogu qabanayo dadkii dhibaatdu kasoo gaartay roobabka.

Gobollada Waqooyi-Bari iyo Gobollada Xeebta ayaa ah deegaanada ugu badan ee ay soo gaartay saameynta ugu daran, sida uu sheegay Af-hayeenka Aqalka Madaxtooyada Kenya, Xuseen Maxamed.

Ismaamulada Waqooyi Bari ee Wajeer, Mandhera, iyo Garissa waxaa ka dhamaaday adeegyadii muhiimka ahaa sida cuntada, caafimaadka, iyo shidaalka, taas oo sababtay sicir barar iyo in dadku waayaan koronto.

Xukuumadda Kenya waxa ay ballan qaaday in dib loo furayo loona dayactirayo waddooyinkii ku go’ay fatahaadaha iyo biyaha xad dhaafka ah ee qaarkoodna ay biyo fadhiyaan qaar kalena ay waxyeello u geysteen.

Dowladdu waxay carrabka ku dhufatay baahida loo qabo in dhammaan hay’adaha dowladda sida dowladda dhexe, dowlad goboleedyada, ciidamada difaaca Kenya, iyo ururrada kale in ay kawada qeyb qaataan samata bixinta muwaadiniinteeda dhibaataysan.

Toddobaadkii hore, Ciidanka Difaaca Kenya ayaa diyaarad ku daadgureeyay sahay caafimaad ah oo qiimaheedu dhan tahay 180 milyan oo shillinka Kenya ah oo la geeyay Wajeer.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here