Saturday, July 27, 2024

Shirweynaha 32-aad ee Waxbarashada Itoobiya ayaa lagu qabtay Jig-jiga

Jig-jiga (Dawan)- Magaalada Jig-jiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaaliada ayaa martigelisay Shirweynaha 32-aad ee Waxbarashada dalka Itoobiya.

Shirka ayaa looga doodaya kor-u-qaaddida tayada waxbarashada, soo saarista cududa waxbaratay, daryeelidda macalimiinta, wacyi-gelinta bulshada ee dhanka waxbarashada iyo baahinta manhajka ardayda.

Mas’uuliyiin ka kala socota dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo bahda waxbarashada ayaa isagu yimid shirka si ay xal ugu helaan dhibaatooyinka dhanka waxbarashada ah ee ka jira Itoobiya.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Ibraahim Cusmaan ayaa sheegay in shantii sano ee lasoo dhaafay horumar la taaban karo laga sameeyay dhanka waxbarashada, isaga oo xusay in 573 Dugsi oo isugu jira dugsiyo hoose, dhexe iyo sare laga dhisay dowlad deegaanka Soomaalida.

Ibraahim Cusmaan ayaa intaas raaciyay in ay dadaal xooggan geliyeen sidii waxbarashada loo gaarsiin lahaa deegaan kasta si jiilka cusub ay u helaan fursad ay wax ku bartaan.

Kaliya 3% ardayda dhigata dugsiyada sare ee Itoobiya ayaa baasay imtixaanaadkii sannadakaan ay galeen si ay ugu gudbaan Jaamacadda iyo Waxbarashada sare, waxaana ka dhashay dood iyo hadal hayan keentay in baaritaan lagu sameeyo hannaanka waxbarashada dalkaas.

Macluumaadka aan helnay, waxa ay muujinayaan in Ardaydii sannaddkaan u fadhiisatay imtixaanka dusigsa sare ee dowlad Deegaanka Soomaalida ay gaarayeen ilaa 22,000, waxaana gudbay oo kaliya 74 arday.

Sida laga soo xigtay UNICEF, Itoobiya waxay samaysay horumar weyn oo xagga waxbarashada aasaasiga ah ee caalamiga ah sannadihii u dambeeyay, iyadoo 88.7% carruurta waddanku ay galeen dugsiga hoose sannad dugsiyeedkii 2021-2022.

Iyada oo sidaas ay tahay ayaa hadana waxaa jira caqabad kale taas oo ah in ardaydaas aysan sii wadanin waxbarashadooda dugsiga sare ilaa Jaamacadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here