Sunday, May 19, 2024

Trump saaxibkiis oo loo doortay Afhayeenka Wakiilada Mareykanka

Washington (Dawan)- Xisbiga Jamhuuriga ayaa Mike Johnson u doortay inuu noqdo Afhayeenka Aqalka Congress-ka Mareykanka, waxaana soo afjarmay khilaafkii ka dhex jiray xisbiga oo toddobaadyo socday, isla markaana curyaamiyay howlaha Congress-ka, xilli ay jiraan qalalaaso caalami ah iyo kuwo gudaha Mareykanka ah.

Johnson ayaa sheegay in tillaabada ugu horeysa ee uu qaadi doono in ay tahay soo jeedinta qaraar lagu taageerayo Israel.

Johnson ayaa yiri ” saaxiibka ugu weyn ee aan ku leenahay Bariga Dhexe waa la weeraray, sharciga ugu horreeya ee aan golaha horkeeni doono muddo gaaban gudaheed wuxuu noqon doonaa inaan taageerno Israa’iil, waan ka daahnay inaan garab istaagno”

Johnson ayaa saaxib dhaw la ah Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, wuxuuna hoggaaminayay dadaalladii lagu doonayay in wax looga beddelo natiijada doorashadii 2020-ka.
Wakiilkaan laga soo doorto Louisiana ayaa noqonaya qofkii afaraad ee ay doortaan xubnaha Xisbiga Jamhuuriga seddex isbuuc gudahood si uu u bedelo McCarthy, laakiin wuxuu noqday kan kaliya ee taageero ku filan ka hela Aqalka.

Johnson (51 jir) ma ahan nin inta badan jecel inuu kasoo muuqdo fagaaraha buuqa siyaasadda, waana waxa laga yaabo in ay ku caawiyeen ku guuleysiga xilka Afhayeenka Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Johnson waxa uu sidoo kale ka faa’idaystay baahida degdegga ah ee ay dareemeen wakiiladu si loo soo afjaro qalalaasaha Golaha iyo taageerada uu ka helay Hoggaamiyaha aqlabiyadda Aqalka, Steve Scalise iyo Guddoomiyaha Guddiga cadaaladda Jim Jordan, oo labaduba ku guul darreystay hanashada xilka Afhayeenka .

Trump ayaa yiri ka hor codbixinta, “Ma aanan maqal hal hadal oo xun oo isaga ku saabsan, qof walba ayaa jecel isaga, waana la ixtiraamaa. Waa nin cajiib ah!”

Johnson ayaa noqon doona Afhayeenkii ugu khibradda yaraa ee soo mara Aqalka Congress-ka Mareykanka kadib dagaalladdi sokeeye ee dalkaas, isaga oo aan soo qabanin waligii gudoomiye guddi ama hogaamin xil sare oo kale.

Xubnaha Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa xilka ka tuuray Kevin McCarthy billaawgii bishaan October kadib markii uu waayay aqlabiyaddii uu ku xajisan lahaa inuu sii hoggaamiyo Aqalka Wakiilada.

Kevin McCarthy (oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga) ayaa xilkiisa waayay kadib markii ay ka codeeyeen 216 xildhibaan oo ay ku jiraan 8 xisbigiisa ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here