Tuesday, December 3, 2024

EU: Dagaalka lagula jiro argagixisada ayaa fure u ah xasiloonida Soomaaliya

Brussels (Dawan)- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Brussels kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel.

Kulanka oo intiisa badan ahaa soo dhaweyn ayaa la isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka koxda Al-shabaab iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee bulshada.

Madaxweyne Xasan ayaa bartiisa X kusoo qoray ” Waxaan kulan miro dhal ah la qaatay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel. Dawladdeena waxaa ka go’an ciribtirka khatarta argagixisada, horumarinta dimoquraadiyadda, dhismaha dawladnimada, iyo horumarinta kobaca dhaqaalaha. Waxaan ku faraxsannahay heerka wada shaqeyn ee nagala dhaxeeya Midowga Yurub.

Charles Michel ayaa yiri, isaga oo la hadlaya Madaxweyne Xasan ” Dadaalkaaga dagaalka lagula jiro argagixisada ayaa fure u ah amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Midowga Yurub wuxuu Sooomaaliya u ahaan doona saaxib dhab ah oo ka taageera dhinaca bini aadanimada iyo dhisidda awoodda dowladnimo.

Madaxweynaha ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, uga qaybgeliya shirka Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya, waxaana lagu wadaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo guulihii ugu dambeyay ee ay dowladdu ka gaartay dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab iyo horumarka dhinacyada dhaqaalaha iyo deyn cafinta.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona madaxda iyo mas’uuliyiinta kasoo qeyb geleysa shirka si uu ugala hadlo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo sidii ay Somaaliya u heli lahayd garab istaag iyo taageero wax ku ool ah.

Shirka waxaa looga doodaya arrima badan oo ay ma mid yihiin, Tamarta, Waxbarashada, caafimaadka, iyo kaabayaasha digital-ka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here